Qaado taladaan haddii ay Xaaskaaga ku waalantahay isticmaalka Baraha Bulshada

Aan daacad kahadalno, dhammaanteen waanku waalanahay baraha bulshada waana jecelnahay inaan qoraalo dhigno Twitter-ka ama Facebook iyo Instagram aan sawirro dhigno, arrinta isticmaalka baraha marnaba ma dhamaaneyso waa midaan macquul ahayn in taleefanadeena iska dhigno, baraha bulshada ayaa sida lawada ogsoonyahay waxay dhibaato ku yihiin xiriirka lamaanaha, iyadoo ay aad u adagtahay inaad la xiriitid lamaantaada oo aad waqti wada qaadataan xilliyada ay taleefoonka ku dhegantahay oo ay ku jirto braha bulshada, waxaa sidoo kale aad u adag in lamaantaada ay waqti kula soo qaadato iyadoo rabta in shantii daqiiqo ee walba ay sawir dhigto Instagram si isdaba joog ah
Haddii aad dareentid in lamaantaada ay ku waalatay baraha bulshada waxay u baahantahay inaad wax ka qabatid arrintaas balse maxaad sameyn kartaa?!!!
Haddii aad dareentid in lamaantaada ay ku qabatintay ama ku waalatay baraha bulshada kala hadal arrintaas si tartiib ah oo maskax wanaagsan ah wax ugu sheeg yeysan dareemin inaad weerar ku tahay, usharax inaad dareemeysid in dareenkeedii intabadan ay siisay baraha bulshada intii ay adiga ku siin lahayd.
Usharrax sida aad dareentid markii ay ku waalato telefoonkeeda intii ay adiga kula sheejeysan lahayd taasi waxay kaa caawin kartaa inaad bilaawdid inaad tustid markii aad ku qabatid iyadoo ku jirta baraha bulshada waqtiyo aan munaasib ahayn, tani waxay sidoo kale kaa caawineysaa inaad tustid inay maskaxdeeda ku mashquulisay baraha bulshada.
Waxaa sidoo kale aad muhiim u noqon karta inaad ku wargalisid kanasashada baraha bulshada adigoo u sheegaya in labadiinaba aad ka nasaneyaaan baraha bulshada maalmo kooban ama todobaadyo.
Arrintaan ayaa waxa ay sidoo kale kaa caawin doontaa in xaaskaaga ama lamaantaada inay xaquiqsato ineysan u baahneyn in si isdaba joog ah ay u dhex wareegto baraha bulshada ama ugu jirto iyadoo xittaa ay macquul tahay in marar dhif dhif ah ay eegto baraha bulshada wixii ka cusub markii ay kali tahay oo aanan ahayn adigoo la jooga,