Waligaa Yeysan Kaa Fakan Gabadha Leh Sifooyinkaan Quruxda Badan

Nin waliba wuxuu leeyahay aragtiyo ugaar ah marka laga hadlayo sida ay ula muuqato ama ay ula egtahay haweeneyda wanaagsan. Waxaa jirta haweeney nin kasta si gaar ah ugu dhadhanta.
Haweeneyda wanaagsan ayaa lagu garan karaa tilmaamaha soo socda.
1. Waxgarad
Waxaa laga hadlayaa markaan awooddeeda maskaxeed. Waa inay gaarto go’aano waafi ah waana inay noqotaa qof qorshe wanaagsan.
2. Daacad
Naag daacad ah ayaa kuu sheegi doonta waxa aysan jecleyn taasi waa hadii aad ka gudubto wadadeeda. Waxay jeceshahay inay runta sheegto intii ay aamusi lahayd.
3. Way isdajisaa markaad isku dhacdaan
Haweeneyda qiimaha leh ee noqon karta xaas waa tan Markay xanaaqdo is dejiso isla markaana arrinta u wajahdo si deganaan leh. Si caro leh markaad ula hadasho iyadana kuuguma jawaabto si caro leh taas badalkeedana waxay si degan u raadisaa wadooyin lagu xalin karo xiisadda idiin dhexeysa.
4. Waxay ku nooshahay heerka nolosha markaas ay ku jirto
Waa haweeneyda noocaas ah ee aan dhib ku qabin waxay dadku ka yiraahdaan nolosheeda iyo siday uga hadlaan. Waa qof ku faraxsan nolosha ay markaas ku jirto heer walba oo ay tahay.
5. Maskax wanaagsan
Iyadu waa qof han leh oo kalsooni ku qabta inay wax kasta ka guul gaari karto.
6.Kalgaceyl
Waxay jeceshahay oo ay ay si wanaagsan ula dhaqantaa qof kasta oo u dhow mana ahan haweeney caro ama cuqdad badan.