3 Waxyaabood Oo Lamaanahaaga Ka Farxin Doona (Hadda U Sameey Jacaylkaaga)

Farxadda la xiriirta aragtida lamanahaaga oo dhoollacadeynaya iyo ogaanshaha inaad tahay qofka ka dambeeya farxaddaas ayaa keeneysa inaad waxbadan sameyso.
Falalka naxriista leh ee aad u sameyso lamaanahaaga kama farxineyso kaliya balse waxay sidoo kale ka yareeyneysa walwalka.
Waa kuwaan 3 sheey oo ka farxin lamaanahaaga.
- Kalgacayl u muujin
Si aad u ilaaliso farxadda isla markaana aad u xasuusiso inaad isaga/iyada jeceshahay, haka xishoon inaad u muujiso jacaylka aad u qabto.
Inaad hab siiso ama aad dhunkato kahor intaadan ka tagin guriga ama markaad guriga timaado oo aad shaqada ka timaado ayaa ka dhigeysa qof dareema in la rabo oo qiimo leh.
Xaqiiji inaad si wanaagsan ula dhaqanto lamaanahaaga maadaama ay xaqiiq tahay in taasi ay ka farxineyso.
- Ammaan/ faanin
Erey dhiiri gelin ah ama ammaan ah ayaa bedeli kara dareenka lamaanahaaga. Sababtoo ah isaga/iyada wuxuu ogaanaya inaad ka fekereyso. Waxaad sidoo kale uga tagi kartaa qoraal jacayl oo yar.
Tani waxay kuula muuqan kartaa ficil yar balse kaalin weyn ayay ka qaadan kartaa inaad lamaanahaaga ka dhigto mid faraxsan.
- U hadiyeey waqtigaaga lamaanahaaga
Waqtiga waa waxa ugu qaalisan ee aad siin karto lamaanahaaga. Xoogaa waqti ah inaad ka soo saarto jadwalkaaga mashquulka badan si aad ula wadaagto lamanahaaga waa qaab aad ku ilaalin karto awoodda xiriirka.