Daawo: Fanaaniinta Maxamed Cirro Iyo Cabdiraxmaan Oday Oo Ka Hadlay Weerarkii Lagu Qaaday

Gudoomiyaha Fanaaniinta Xidigaha Geeska Oo Maxamed Axmed Bakaal Cirro ayaa goor dhow Faah_faahin ka bixiyay Weerar Lagu Qaaday.
Fanaanka ayaa waxa uu sheegay in weerarkaas lagu qaaday uu sax yahay isla markaana uu dhacay habeen hore xilli ay wada socdeen Fanaanka Cabdiraxmaan Caydiid Oday.
Maxamed Axmed Bakaal Cirro, mar la weydiiyay haddii ay jirto cid uu ku tuhmayo weerarkaas ayuu ka gaabsaday arrintaas.
Waxa uu tilmaamay in dadkii weeraray ay ku hadlayeen ereyo caadifadeysan isla markaana baaris lagu haayo.
Maxamed Cirro waxa uu ku baaqay in fanka laga daayo siyaasadda maadaama uu sheegay inay fanaaniinyihiin.
Fanaanka ayaa waxa uu si aad ah ugu mahad celiyay shacabkii ka carooday falkii lagu weeraray ee sida ay uga xunyihiin ku muujiyay baraha bulshada.
Dhinaca kale fanaanka Cabdiraxmaan Caydiid Oday oo isna ka hadlay dhacdadaas ayaa isna si aad ah ugu mahad celiyay shacabkii sida weyn uga carooday falkii lagu weeraray, isagoona sidoo kale ku baaqay in fanka iyo siyaasadda lakala saaro.