RAAXADA

4 Waxyaabood maalin kasta aad sameyso oo baabi’inaya awoodaada dhanka Sariirta

Waxyaabaha qaar ayaa si aanan la arkeyn ugu muuqda kuwo aanan dhibaato lahayn balse si daran kuu saameynaya.

Tusaale ahaan, ma ogtahay in waxyaabaha qaar ee aad maalin kasta sameyso ay si tartiib ah u baabi’inayaan awoodaada galmada?

Hoos ka aqri waxyaabaha aad maalin kasta sameyso ee burburinaya awoodaada galmada.

  1. Cunto badan

Markaad cunto cunno farabadan, miisaankaagu wuuka darayaa guud ahaan caafimaadkaagana halis ayuu galayaa.  Balse intaas kuma eka waxaad noqoneysaa nin aanan waxba galin maadaama ay hoos u dhacayso awooddaada raganimo ee aad shaqada ku socodsiin lahayd.

  1. Hurdo yari

Imisa saacadood ayaad hurudaa maalin kasta? Khubarada caafimaadka waxay amaaneyn in qofka uusan hurdin waxaan ka yareyn 7 saacadood. Ugu horeyn hurdada yari waxay saameysaa hormoonadaada taasoo sababeysa hoos u dhac ku yimaada socodsiinta shaqada sariirta. Marka labaad, jirkaaga ma helo nasasho ku filan oo uu shaqo adag ku qaban karo taasoo xaaladda kugu adkeyneysa.

  1. Jimicsi la’aan

Jimicsiga wuxuu keenaa in dhiigga ku socdo dhammaan qeybaha kala duwan ee jirka oo ay qeyb ka tahay xubnahaaga qaaska ah. Sidaa darteed haddii aadan maalin kasta jimcisan ama jirdhis sameyn, dhiigga sidii la rabay uguma soconayo qeybaha gaarka ah ee jirka sidaa darteed waxay saameyneysaa awooddaada galmada.

Sidoo kale inaad jirdhis sameyn weyso ayaa keeneysa inaad si daran u cayisho taasoo ah sabab kale oo hoos u dhigta awoodda galmada.

  1. Sigaarka

Sigaarka wuxuu dhaawacaa xididada dhiigga taasoo saameyneysaa waregga dhiigga. Daraasado badan ayaa sidoo kale soo bandhigay xiriirka dhow eek a dhexeeya hoos u dhaca galmada iyo cabista sigaarka.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid