ARIMAHA BULSHADA

Gabar Soomaaliyeed oo aad uga murugootay bisad ka bakhtiday

Gabar ku nool magaalada Qardho oo lagu magacaabo Ruun Cali Cabdi ayaa waxa ay lahayd bisad ay aad u jeceshahay. Bisadii ayaa ka jabtay ka dib markii ay dhagax kaga dhufteen carruur yaryar.

Ruun waxa ay ku dadaashay sidii ay u heli lahayd cid u kabta bisadda, balse kuma aanay guulaysan oo waa ay ka bakhtiday. Gabadhaasi ayaa murugo badan ka qaaday geerida bisadda.

Waxa ay xiriir la samaysan wasaaradda xanaannada xoolaha ee magaaladeeda balse kama aanay helin wax caawin ah.

Sheekada Ruun iyo bisadeeda ayaa hadal hayn ka dhalisay baraha ay ku wada xiriiraan bulshada Soomaaliyeed, waxaana dadka qaar ay ku tilmaameen “qof waalan oo magac raadis ah.”

“Bisadeydu xitaa hilibka cayriinka ah ma aanay cuni jirin, oo waxaan usoo iibin jiray buskud iyo caano,” ayay tiri Ruun.

Balse gabadhan oo baratay culuunta caafimaadka dadweynaha ayaa ku doodaysa in haddii ay Soomaalidu u naxariistaan xayawaanka ay markaa heli karaan nabad.

Ruun ayaa BBC-da laanta af Soomaaliga u sheegtay in hadda ka hor ay ka xanuunsatay bisadda, ka dibna ay la xiriirtay dhakhtar xayawaanka qaabilsan oo ku nool Masar, kaasoo kula taliyay dawada ku haboon bisadda.

Waxa ay intaa ku dartay in ay rajeynayso in mustaqbalka ay furto goob ay ku xananaaneyso bisadaha, ayna diyaar u tahay inay raadsato bisad kale maadaama ay ka dhimatay tii ay jeclayd.

BBCSomali

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid