6 Been Oo Gabar Aanan Sheegin Ay Adagtahay In La Helo

Waxaa jirta been sahlan oo gabdhaha badanaa ay mararka qaar u sheegaan raga ay markaas shukaansanayaan.
Way adagtahay inaad aragto gabar aanan sheegin ugu yaraan qaar kamid ah beentaan.
Hoos ka aqriso.
- Xilligi dhiigaa ku jiraa
Lama aaminsano inay jirto gabar aanan sheegin beentaan; Sheegitaanka inuu dhiig u joogo si aanan loogu dhowaan waa mid ay ka simanyihiin gabadhaha.
Sababta ayaa noqon karta inaysan markaas u baahneyn kulanka sariirta ama ay u careysantahay ninkeeda amaba inuu ninka doonayo inuu ka faa’ideysto uun.
- Hal daqiiqo ayaan isku diyaarinayaa
Halkaas daqiiqo ayaa noqda saacad. Beentaan cad waa mid ay gabar kasta sheegto; waa la ogyahay inaad rabto inaad si wanaagsan isku qurxiso oo aad si wanaagsan u marsato Makeup-ka, waala ogyahay inaysan ahayn waxaad ilbiriqsiyo ku sameyn karto balse waa jahwareer inaad adigoo waqti wanaagsan sheegi kara aad dadka ku jahwareeriso daqiiqad.
- Taleefan ma heysto
Waxay u badantahay in gabar kasta ay sheegtay beentaan mararka qaar. Waxaa jirtay waqti ay beentaan ahayd tan ugu dhaqsiyaha badan ee gabar kasta ay usheegto ninka aysan markaas rabin; Run uma ahan sida ay gabdha markaas u sheegaan balse waa mid ay gabar kasta ku dhahdo ninka aysan daneyneyn.
- Ma xanaaqsani
Sidoo kale, tani waa been kale oo ay gabdhaha sheegaan. Waa dareemi kartaa carada gubeysa, waa arki kartaa dareenka ka muuqda wajigeeda sidaas oo ay tahay wali waxay kuu sheegeysaa inaysan careysneyn.
- Ma maqlin codka taleefanka
Marka ay gabadha ka daasho ninkeeda ama aysan rabin ninka markaas oo aysan jecleyn, beentaan waa mida ay sameyso si ay u jahwareeriso markaas ninka.
Intabadan way maqashaa codka taleefanka iyo wicitaanka balse ma rabto inay ka qabato.
- Wali nin diyaar uma ihi
Tani waa hab fudud oo lagugu leeyahay “Kuma rabo ee iga qaleey” marka waxaa intabadan taas fahmi kara ninka xariifka ah ee caqliga u saaxiibka ah.
Waxaa hubaal ah in gabadha haddii ay doob tahay isla markaana ku rabto inay mar walba ka faa’ideysaneyso fursada ay kugu heleyso.
Waxaa iska cad in nin kasta loo sheegay beentaan oo ay gabar kasta ugu yaraan ay u sheegtay afar kamid ah beentaan.
Waxaan rajeynayaa inaad ka hesheen aqrint qormadaan, maalin wanaagsan.