8 Waxyaabood Oo Lamaanaha Farxsan Ay Sameeyaan Kahor Inta Aysan Seexan

Waxaan idiin soo gudbineynaa 8 waxyaabood oo ay sameeyaan lamaanaha farxadda heysta kahor inta aysan seexan.
- Qorshe
Lamaana kasta oo farxad heysta waxay qorsheeyaan wadajirkooda, waxay ka fekeraan qorshaha maalinta soo socda kahor inta aysan sariirta tegin. Haddii ay suurtagal tahay waxay wadaagaan waajibaadka iyo masuuliyadda subaxda soo socta iyagoo sameysta qorshe gaaban iyo mid dheer.
- Raali gelin qaladka
Kan waa waxa kala qeybiya lamaanaha farxadda heysta iyo kuwa aanan heysan. Lamaanaha aanan farxadda heysan way murmaan wuxuuna murankooda socdaa maalmo iyo todobaadyo balse lamaanaha faraxsan way qiimeeyaan xiriirkooda iyagoo iska raali geliya qaladaadka dhaca kahor inta aysan seexan.
- Qadarin
Lamaanaha faraxsan midba kan kale ayuu qadariyaa, kahor inta aysan seexan midba kan kale ayuu uga mahadceliyaan wanaagga iyo axsaanka uu usameeyay.
- Xiriir
Lamaanaha faraxsan midba kan kale ayuu la xiriiraa kahor inta aysan seexan. Mid walba midka kale ayuu la hadlaa iyadoo mid walba uu  dhegeysto kan kale dhibkiisa waxayna isku dayaan inay xaliyaan.
- Raaxada
Dabcan, lamaanaha faraxsan waxay ogyihiin muhiimadda ay leedahay raaxada iyagoo isku daya inay raaxeysteen kahor inta aysan seexan. Qasab ma ahan in habeen walba ay kulanka sariirta yeeshaan balse nolosha sariirta way ku firfircoonyihiin.
- Kaftan wadaag
Lamaanaha faraxsan wuxuu habeenka ugu dhamaadaa si farxad leh, halka kuwa kale uu ugu dhamaado muran,waxay habeenka ku dhammeystaan kaftan, si qurux badan ayay u kaftamaan kahor inta aysan seexan.
- Waxay meel iska dhigaan waxyaabaha aanan loogu tala galin sariirta
Waqtiga sariirta waa waqti hurdo, cilmi baaris ayaa soo bandhigtay in taleefanka lagu isticmaalo sariirta uu caafimaadka dhib ku yahay iyo xiriirka lamaanaha, waxana loo baahanyahay waqtiga yarkaa aadku heysatid sariirta inaad siisid lamaantaada.
- Shumiska habeenkii
Lamaanaha faraxsan ma hilmaamaan inay is shumiyaan habeenkii, waxayna taasi lamaanaha ka saacideysaa in subixii ay kacaan iyagoo faraxsan.