HEESAHA QORAALKA AH

Heesta Lamaane Ee Fanaanka Nimcaan Hilaac Oo Qoraal Ah

Lamaane isu beer nuglaa

bar baar iku oomanayd

nafihii isu baahi qabay

jacaylkooduna badnaayee

 

waxay barya soo samraanba

calafku waakaa boqoroo

caaway bayd wada dageenoo

barana ay wada galeen

 

rabaw barkhadaada sii

rabiyoow ka ilaali balo

intay baaqi nolosha yihiin

rabow aanay kala baqoolin

bartooda raboow ku quudi

rabow awlaad ka beer

 

isu qaba busayl

bogooga jacayl hantiyay

naftana isku bixin jiray

guushana wada beegsan jiray

 

waxay hindisaha bogtaan

nasiibku waakaa biiloo

caawuu nuurkii bildhaamay

farxada ugu baxay wanaag

Xuquuqda qoraalka heestaan waxaa iskaleh Masuul

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid