XIRIIRKA IYO GUURKA

17 Sifood Oo Lagu Garto Marka Lamaanahaaga Uu Ku Naco

Waxaan idiin soo gudbineynaa calaamado lagu garto marka lamaanahaagu ku naco.
1. Xiriirka oo yaraada, lamaanahaaga iskuma dhibo inuu kusoo waco.

2. Lamaanahaaga kumarabto haddii iyada/isaga uu had iyo jeer ka mashquulo inuu waqti kula qaato, lamaane ku jecel wali wuxuu jecelyahay inuu waqti kuu sameeyo.

3. Lamaane aanan ku daneyney xushmad darro ayay kugula dhaqmeysaa, isaga/iyada way ku xushmad dareyneysaa mana eegeyso dareenkaaga.

4. Lamaane aanan ku rabin waxay kula joogeysaa mar ay wax kaaga baahato kaliya, isaga/iyada dhib kuma qabaan inay iska kaa indha tiraan maalmo iyagoo dad wanaagsan noqda marka ay wax kaaga baahanyihiin.

5. Lamaane aanan ku daneyneyn waxay bilaabeysaa inay ku qiyaanto, dadka ugu badan waxay qiyaano bilaabaan marka ay nacaan lamaanohooda.

6. Lamaane aanan ku rabin qof kasta si wanaagsan ayuu ula dhaqmayaa intaan adiga ka ahayn,haddii aad aragtid lamaanahaaga oo si waanagsan ula dhaqmaya dadka kale balse adiga six un kuula dhaqma dabadeed kuma rabyo.

7. Lamaane aanan ku rabin wuxuu bilaabaa inuu iska indha tiro saaxiibadaa iyo qoyskaaga oo wax dan ah ma siinayo.

8. Lamaane ku nacay wuxuu bilaabaa inuusan waqti ku siinin adiga balse uu dadka kale waqti la qaato.

9. Marka uu lamaanahaaga ku naco wuxuu bilaabaa inuusan ahmiyad siin caafimaadkaaga iyo xanuunkaaga.

10. Marka uu lamaanahaaga ku naco wuxuu bilaabaa inuusan dareen ku siinin wuxuu joojinayaa inuu gacmaha banaanka kaaga qabsado wuuna kaa fogaanaa marka aad meel bulsho ah mareysaan.

11. Haddii uu ku naco lamaanahaaga waa maqane jooge mana daneynayo sheekadaada oo waa qof qalbi ahaan aanan wax ahmiyad ah ku siineyn

12. Marka uu ku naco saaxiibkaa waxa uu bilaabaa inuu joojiyo amaantaada waana kaaga dhamaatay amaan aad dhankiisa ka heshid.

13. Marka uu ku naco wuxuu bilaabaa inuu wax walba oo xumaan ah dusha kaa saaro maadaama uu nacay la joogaaga uusan ku rabin.

14. Marka ay ku nacdo waxay bilaawdaa raali gelin badan oo aanan dhammaad lahayn.

15. Haddii uu bilaabo inuu iska maqnaado waqti badan isagoo aanan dadaal ku bixin la joogaaga waqtiga ayaa dhamaan rabo.

16. Marka uu ku naco ama ay ku nacdo way adkaaneysaa inaad ka maqashid waanku jeclahay.

17. Lamaane aanan ku rabin muhiimad ma siineyso wax kasta oo aad dhahdid.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid