5 Qaabood Oo Lagu Noqdo Nin Aad Usoo Jiita Haweenka

Sideed ku noqon kartaa nin soo jiita haweenka ?
- Si wanaagsan u labiso
Si wanaagsan u labiso hadaad shukaansi gali rabtid ama gabar aad la ballansantahay,marka aad si wanaagsan ulabisatid qalbiga ayaa kalsooni ka dareemeysaa, iscarfi oo barafuun iyo waxyaabaha uduga ah isticmaal ogoow haweenka waxaa soo jiita ragga iscarfiya.
- Kalsooni
Naftaada ku kalsoonoow, nin aanan isku kalsooneyn ma guuleysto mar walbana waa hooseeyaa, kalsoonida waa wax kasta, marka ay gabadha ku aragto inaad isku kasloontahay, iyadaaba kaa heleysa.
- Qofna ha iska dhigin
Ruuxaad tahay lee ahaaw, ha iska dhigin qof kale si aad qofkaas ugu soo jiidatid; ha iska dhigin qaab uu iska dhigo Aktar iyo wixii lamid ah, noqo nin aad ugu kalsoon muuqaalkiisa iyo qaabka uu yahay.
- Deganaan
Isdaji, oo si tartiib ah u dhoolla cadeey, ha noqon nin walwalsan oo ka fekeraya wixii uu dhihi lahaa, si dabiici ah hakaaga yimaadaan hadallada ha isqasbin.
- Ha qasbin
Haku qasbin xiriir gabadha kulanka ugu horeeya ee aad shukaansaneysid, waqti wanaagsan la qaado oo ku raaxeysta waqtigaas yar.
Haweenka waa jecelyihiin shukkaansiga iyagoo hadhoow markeey dib guriga ugu laabtaan yiraahda maanta waqti wanaagsan ayaan soo qaatay, waana runtood haweenka waa jecelyihiin ragga kalsoonida siiya ee waqtiga wanaagsan la qaata si Sharaf leh.