5 Waxyaabood Oo Qurux Ah Balse Halis Galinaya Naftaada & Caafimaadkaaga

1- Rajabeetada, haween aad u farabadan ayaa maalin kasta xirta rajabeetooyin qaldan ama aanan ku habooneyn, rajabeeto qaldan ayaad xiraneysaa haddii rajabeetada ay si aad ah u qabato naasahaaga, waxayna sababtaa xanuuno naasaha iyo dhabarka ku yimaada maadaam xargaha ay si aad ah ugu dhegayaan.
2- Boorsooyinka waaweyn, boorsooyinka waaweyn waxay u muuqdaan kuwo iminka aad usii kordhayaan iyadoo haween badan ay wataan ama isticmaalaan boorsooyin waaweyn, waxa aysan dad badan ogeyn Ayaa ah in haween badan ay garbaha surtaan boorsooyin culus taasoo ugu dambeyn cadaadis badan saarta garbaha isla markaana keenta inay kusoo wajahaan dhabar xanuun oo u baahnaan doonta inaad xakameysid.
3- Surwaallada aad kuugu dhagan; Surwaallada ay hadda gabdhaha ubadanyihiin ee jirka aadka ugu dhega iyo Jeenisyada ah ee jirka aad u qabta waxay keenaan sameyn xun.
Waxay culeys badan saaraan lafaha hoose sida sinaha iyo lafa yar yar oo kale hoose taasoo ay ka dhashaan xanuuno iyadoo sidoo kale ay ka dhashaan mindhicirro xanuun iyo dhabar xanuun.
4- Kastuumooyinka yar yar; culeyska ay kastuumooyinka yar yar u keenaan jirka ayaa sababa laab qarar sababta ayaa ah in cadaadis aad u tan weyn ay gliyaan caloosha taasoo keenta in uguyada dheefshiidka ay ku adkaato inay si buuxda u shaqeeyaan,.
5- Kabaha dhaadheer: Kabaha dhaadheer ayaa cadaadis weyn saara lafaha iyo murqaha kuwaas oo sababa in saameyn iyo xanuuno ay kugu keenaan, ma ogid adiga taas iyadoo sidoo kale sababta xilliyada nasashada aad gashid aad dareentid xanuuno ay sabab u yihiin kabaha dhaadheer.