ARIMAHA BULSHADAXIRIIRKA IYO GUURKA

Afduubkii jaceylka: Halkee ku dambeeyay xaalka gabadha Soomaaliyeed ee “laga afduubtay” Islii?

Dembi baarayaasha magaalada Nairobi ayaa sheegay inay afduub uga shakiyeen kiiska haweeney Soomaali ah oo shalay la soo badbaadiyay kaddib saddex maalmood oo la heystay.

Haweeneydan oo 39 jir ah laguna magacaabo Shanqara Aadan ayaa howlgalka lagu soo badbaadiyay waxaa ku lug lahaa koox baarayaal ah oo Naiorbi ku sugan, iyo sidoo kale waaxda dembi baarista ee deegaannada Imenti North iyo Igembe Central.

Ninka looga shakisan yahay inuu afduubkan geystay ayaa la sheegay inuu ahaa seygii hore ee gabadhan, ayaa lagu eedeeyay inuu u maray hab aan habbooneyn soo cusbooneysiinta xiriirkooda.

“Ninka wuu i afduubtay, guri ayuu igu xirtay, wuxuu i geeyay magaalada Meru,” ayay tiri Shanqara oo BBC-da la hadashay.

Gabadhan oo laga soo badbaadiyay guri aysan cidna ku nooleyn oo ku yaalla magaalada Meru, ayaa baarayaasha u sheegtay in ay afduubteen saddex nin, oo mid ka mid ah ay garatay uuna ahaa seygeeidi hore.

“Labada kale waxay ahaayeen rag uu isagu soo kireystay,” ayay tiri.

Waxay sheegtay in qofka laga shakisan yahay uu u sheegay inuu weli jecel yahay uuna u afduubtay si ay iskula noolaadaan mar kale deegaanka Kachiongo, Maua, iyo Meru.

Gabadhan ayaa laga afduubtay Waddada Likoni ee Nairobi iyadoo usii socotay Jomo Kenyatta International Airport oo ay ka shaqeyso.

Waxay BBC-da u sheegtay in iyada iyo alaabteeda gaariga la isla saaray, isla markaana alaabtii ay sidatay ay burburtay.

Sida laga soo xigtay saraakiisha, waxay eedeysanaha marka hore kasoo xireen magaalada Maua, kaddib su’aalo weydiin xooggan, wuxuu geeyay guri ku yaalla bannaanka magaalada Maua, halkaasoo ay gabadhu ku sugneyd.

Sida ay sheegtay Shanqara waxay keliya cabtay biyo saddexdii maalmood ee ay gurigaas ku jirtay.

“Guri mugdi ah ayuu igu soo xirtay, biyo iyo baad iyo suuliba wuu ii diiday, dhowr jeer ayuu ii hanjabay waan ku dilayaa ayuu igu yiri,” ayay tiri.

Waxay sheegtay in wax hadal ah uusan dhex marin iyada iyo isaga, uusanna u sheegin sababta uu usoo afduubtay.

Shanqara iyo ninkeedii hore ayaa is guursaday dhowaan, mana isu dhalin wax carruur ah, sida ay BBC-da u sheegtay.

Intii uu socday howlgalka ay booliisku kusoo badbaadiyeen gabadhan, waxaa la helay gaari loo maleynayo in gabadha lagu afudubtay, iyadoo lagu daba jiro labo nin oo kale oo laga shakisan yahay.

Haweeneydan ayaa markii lasoo badbaadiyay kaddib waxaa lala socdaa xaaladdeeda caafimaad, iyadoo ninka eedeysanaha ah uu ku jiro gacanta booliiska.

Sida laga soo xigtay qoyskeeda, waxay gabadhan shaah iyo macmacaan ku iibin jirtay qeybta alaabaha ee garoonka kahor inta aan la afduuban.

Shanqara walaalkeed oo isagana la hadlay BBC-da ayaa sheegay in taksigii alaabta u qaadi jiray uu kusoo wargeliyay waxa dhacay, sidaasna ay arrinta ku ogaadeen.

“Shan daqiiqo kaddib, darawalka oo ordaaya ayaa noo yimid wuxuuna noo sheegay in gabadha ay rag wateen. Markaa aan Shauri Moyo nimid waxay na dhaheen ma arkin,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray inay tageen dhowr saldhig oo kale oo ay gabadha ka raadiyeen.

Wuxuu sheegay inay markii hore ka shakisnaayeen ninka gabadha furay oo dhowr jeer oo horena u hanjabay.

Waxay la socotay taksi ay kasoo raacday xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi gaar ahaan Section 3 iyadoo usii socotay JKIA taariikhdu markii ay ahayd October 12, xilligaasoo shakhsiyaad iska dhigayay booliis ay joojiyeen.

Darawalka ayaa booliiska u sheegay in abbaaro 10 p.m, habeenkii uu dhacayay afduubka la sheegay, uu marayay Buundada Likoni.

Wuxuu sheegay in rag ku jiray gaari ay istaajiyeen. Raggan oo iska dhigayay booliis, ayaa ku amray gabadha inay raacdo gaarigooda.

Kaddib ayay darawalka ku amreen in gabadhan lagu raad joogay ayna geynayaan saldhigga booliiska ee Shauri Moyo si su’aalo loo weydiiyo.

Darawalka ayaa sheegay in haweeneyda ay ahayd macmiil joogto ah uuna dhowr jeer kasoo qaaday Eastleigh uuna garoonka geeyay kana soo celiyay.

Wuxuu kaddib wacay ehelka gabadha oo uu ku wargeliyay dhacdada, markii ay yimaadeen Saldhigga Shauri Moyo, waxaa la yaab ku noqotay inay ogaadaan in gabadhooda ay maqan tahay.

Sida booliiska laga soo xigytay, nambarka taargada gaarigii gabadha la saaray oo nooca raaxada ahaa lama ogaan, balse waxaa la xaqiijiyay inuu ahaa isla kii laga soo qabtay magaalada Maua.

Shanqara ayaa haatan laga daweynayaa jirdil aan badneyn oo sida ay sheegtay loo geystay.

Eedeysanaha ayaa lagu wadaa in dhowaan maxkamad lasoo taago.

Source
BBCsomali

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid