Jacaylkii gabadha wadaadda ah ku keliyeeyay Hargeysa iyo wixii ay ka tiri

Jacaylku waa dareen aadane kasta uu ilahaaya ku beero, iyadoo qof waliba uu kusoo wajaho xaalado kala duwan, qof ayey u noqotaa sidii uu rabay halka kan kalana uu ku reebo uur ku taalo iyo taariikho lama iloobaan ah.
Inta badan abwaaniinta iyo qoraayaasha Soomaaliyeed waxa ay qormooyinkooda ama maansooyinkooda kaga faalloodaan arrimaha la xiriira jacaylka haddii uu ahaan lahaa mid lagu guuleystay iyo mid aan lagu guuleysanba.
Dad badan ayaa is weydiiya horta jacayku muxuu yahay maxaase lagu micneyn karaa, balse jawaabtaasi oo kooban waxaa mid kamida kaalimaha suugaanta kusoo gudbiyay Saalax Qaasim oo yiri, Waa macaan amba waa qaraar kolba waa siduu kugu soo maro.
Aynu usii dhaadhacno dulucda sheekadeenna’e, In aad jeclaato qof aan ku rabin waa xaalad adag, qofka wax jecelina uu u maaro waayo.
Markan waxa aynu soo qaadandoonnaa sheeko si dhab ah u dhacday oo ku saabsan gabadh dhallinyaro ah oo Soomaaliyad ah oo jeclaatay wiil aan qalbigiisu usoo jeedin.
Mar waxa ay u adkaysan la’dahay doonista qalbigeeda u dabran qof aan doonayn, mar waxa ay ka xishoonaysaa in ay cabato iyada oo ah qof dumar ah, marna waxa ay u taag la’dahay in ay qaadato go’aan ay kaga hadho.
Gabadhaas oo aynaan halkan ka baahindoonin magaceeda waxa ay u warrantay Sahra Xasan Daahir oo ah abwaanad xaalladeeda ka samaysay erayo ka turjumaya.
Abwaanad Sahra oo ugu horreyn ka hadleysa sheekada ay gabadhu la wadaagtay ayaa tiri “wiilka marka hore xiriirka waa uu la waday gabadha oo waxa ay u muuqdeen kuwo is jecel, balse markii dambe waxa ay gabadhu aragtay in gaabis uu ka yimid dhankiisa, taasi oo keentay in ay jacaylka kali ku noqotay”.
Abwaanadda ayaa sheegtay in gabadhu ay tahay qof wadaad ah oo xishood badan isla markaana awoodi weyday in ay wiilkii ay jecleyd ku tiraahdo maxaa kugu dhacay oo aad iiga gaabisay.
Abwaan Sahra ayaa sheegtay in maalin maalmaha ay suura gashay in ay wada xiriiraan wiilka iyo gabadha, sababta ayaa ahayd muuqaal loogu diray aaladda WhatsApp-ka, “maalin maalmaha kamida ayuu wiilku soo wacay gabadha, waxa uu u sheegay in loosoo diray muuqaal ay duubtay gabadh indha shareeraan iyadana u eg, muuqaalka ayaa lagu sheegay magiciisa oo saddexan iyo in la jecelyahay, isagoo weydiiyay in qofkaasi ay iyada tahay, balse abwaanadda ayaa sheegtay in gabadha ay markaasi ku adkaatay in ay ka jawaab bixiso” ayey tiri abwaanad Sahra.

Abwaan Sahra ayaa maanso kaga jawaabtay Su’aasha gabadha la weydiiyay iyadoo ahayd qofka kaliya ee ay gabadhan u sheegay jirtay arrimeheeda la xiriira jacaylka wiilkan ay u qaadday ee kalinimada ku noqday waxa ayna tiri abwaanaddu,
“kuma derin kumana aan dayicin kaama meel dayane
Kaamana dal doorsane adaa diiday simihiiye
Dami kaama gelin oo xumaan kulama dooneyne
Dambarkiisa caashaquna waa daawo labo ruuxe
Daran doorri weeye hadduu daraf ku koobnaado
Darbi iyo hadduu meel ka dhaco dabaqyo dhaahdeer leh
Dusha wuxuu ka ruugaa qofkuu goonida u dego’e
Waa kii cilmiba daadiyay ee aakhirkii dilaye
Anna deytan maantaa runtii duub cas ii geli.
Il nugeylka dumarkiyo xishood beyla daadagaye
Inkastoon ku doortoon indhaha kugu daweynaayay
Inkastoon ku daabacay qalbigan deeqow magacaaga
Inkastoon rajada daahday iyo calafka doonayaay
Dadab iyo in aan reer dhisnoon deyrsan wada taagno
Daa’inkaa I khaaligay rabbiga dunida wada meegaaray
Adigaa jacaylka dafiray duhur dharaareede
Adigaa dab qabadsiiyoo dow ka raaridaye
Adigaa dambaabiray hankii daacadda ahaa”……
Maadaama maansadu ay aad dheereyd ayey kusoo idleysay ha I dilo jacaylkuye wallee kaama daba ooyo. Ragga ma adigaa ugu dun wacan dookhu yaab badanaa.
Taariikhda jaceylka soomaalida marka laga hadlayo waxaa inta badan la soo qaataa Cilmi boodhari oo lagu xusuusto inuu ahaa aabihii soomaaliyeed ee dareenkiisa jaceylka muunadeeyey kana run sheegay.