ARIMAHA BULSHADAXIRIIRKA IYO GUURKA

Xaaska Baaba Jeey Oo Hadashay Kadib Muuqaalkii Laga Qarxiyay Ninkeeda, Miyay Ka Tageysa?

Maalmahan waxaa qabsaday Baraha bulshada muuqaal aanan wanaagsaneyn oo laga duubay ama uu iska duubay Baaba Jey oo ah nin caan ka ah baraha bulshada.

Muuqaalkaas ayaa waxa uu dhaliyay falcelino kala duwan oo ka yimaaday dadka isticmaala baraha bulshada iyagoo qaar ku dhaliilay qaarna difaacay maadaama ay sheegeen in muuqaalkaas baaba Jey uu ka gudbiyay qof ay aad iskugu dhawaayeen.

Shabakada Aayaha ayaa ogaatay in muuqaalka Baaba Jey uu soo qarxiyay baraha bulshadana ku faafiyay qof jooga Yurub oo uu Baaba Jey siiyay userkii iyo passwordkii kadib markii uu ogaaday in lacag la sameeyo Snapchat ka balse qofkaas ayaa helay dhamaan muuqaaladii iyo sawiradii Baaba Jey ugu keydsanaa Snapchat ka oo nooc walba isugu jira isagoona ka dalbaday in hadii Baaba Jey uusan bixin lacag dhan 30 kun oo dollar uusoo dhigi doono baraha bulshada taasoo uu diiday Baaba Jey islamarkaana sababtay in muuqaalkiisa sidaas loogu faafiyay baraha bulshada.

si kastaba ha ahaatee kadib dhacdadaaas, Baaba Jey ayaa walwal weyn uu kasoo food saaray dhanka xaaskiisa oo uu ka baqayay in wixii dhacay kadib ay ka dhaqaajineyso isaga iyo ilmihiisa balse maxaa dhacay.

Baaba Jey ayaa bartiisa YouTube soo dhigay muuqaal isagoo wacay xaaskiisa Maryan Cabdullahi Maxamed oo uu weydiiyay muuqaalkii kadib hadii ay go’aansatay inay ka tagto balse waxay sheegtay inaysan go’aansan inay ka tagto oo aysan dooneyn inay nolosha ku cidleyso seygeeda.

Waxay sheegtay in dadka waxay ay wadaan aysan macno ugu fadhin taas badalkeedana ay isaga jeceshahay oo uu yahay Aabaha caruurteeda meel cidla ahna aysan uga tagi karin.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid