5 Sababood Oo Aadan Ogeyn Balse Lamaanahaaga Uu Kuu Nacay Kaagana Tagay

Waxaa laga yaabaa inaad la yaaban tahay sababta uu xiriirkaagu u dhammaaday oo laga yaabo inaad ka cadheysantahay sababta uu lamaanahaagii kaaga tagay. Xaqiiqdu waxay tahay waxaa jiray waxyaabo gaar ah oo aad mar walba samaynaysay oo aan qabow ahayn. Haddii aad ka fekereyso fursad labaad oo aad ku hesho lamaanahaagii hore ama aad ka fekereyso inaad bilowdo xiriir cusub, waxaa wanaagsan inaad ogtahay sababaha xiriirkaagu u shaqeyn waayay. Waxaan helay qaar ka mid ah sababaha ugu wanaagsan ee xiriirkaagu u shaqayn waayay.
1. Dagaal aan loo baahneyn
Khilaafku waa mid aan laga maarmi karin xiriir kasta laakiin marka uu noqdo mid joogto ah markaas waa arrin dhibaato leh. Marka ay tahay inaad kula dagaalanto lamaanahaaga wax kasta oo yar, markaa waa inaadan la yaabin sababta xiriirkaagu u dhammaaday. Haddaad khilaafka yarayn lahayd, markaas weli waad yeelan lahayd xidhiidhkaaga. Muranka qaar waa la iska ilaalin karaa, isku day inaad iska ilaaliso haddii aad soo ceshato lamaanahaaga.
2. Waxaad joojisay daryeelki
Ma xasuusan kartaa sida aad u danayn jirtay lamaanahaaga bilowgii? Maxaad u joojisay hadda waa sababta lagugu tuuray? Lammaanahaagu waxa uu rabaa in aad waydiiso su’aalo ku saabsan noloshiisa/siduu yahay marka aad taas samayso waxa ay tusaysaa in aad dhab ahaantii danayso. Markaa ka hor intaadan codsan fursad labaad, hubi inaad had iyo jeer daryeesho oo ha joojin daryeelka.
3. Saaxiibadiis ayaa kasoo horjeedaa
Ilaa inta lamaanahaagu uu ku jecel yahay oo uu ku daryeelayo, wuxuu sidoo kale u baahan yahay inay la joogaan saaxiibadiis oo ay waqti wada qaataan mararka qaarkood. Isku dayga inaad soo afjarto lamaanahaaga xiriirka uu laleeyahay saaxiibadiis ayaa laga yaabaa inay sabab u ahayd in lagu naco.
4. Kulanka sariirta
Galmadu waxay ahayd mid wanaagsan bilawgii guurkiina. Markaa sabab kasta ha noqotee, kulanka sariirta wuxuu noqday mid caajis ah oo xitaa aan jirin, dhab ahaantii ma u maleyneysaa in lammaanahaagu uu kula sii joogi doono? Taasi waa sababta lagugu tuuray. Haddii aad ku guulaysato inaad dib u soo celiso xiriirkaaga, markaa waa inaad hubisaa in kulanka uusan hoos ugu dhicin heerka eber.
5. Xiriirka lamaanahaagii hore/waad ka dhamaan la’dahay
Waa wax laga xumaado marka aad xiriir cusub yeelato oo aad weli xiriir la sameyso lamaanahaagii hore. Xaqiiqdi waxay saameyn doontaa lamaanahaaga waana sababtaas sababta lagu tuuray. Haddii aad xiriirkiina dib u hesho, waxaad u baahan tahay inaad ogaato sida loo maareeyo kaagii hore.