CAAFIMAADKARAAXADA

Sababaha Keena In Dumarka Rabitaankooda Sariirta Uu Yaraado & Waxa Lagu Daaweyn Karo

Waxaa sii kordhaya walaaca ay qabaan qaar badan oo kamida dumarka kaasoo ku aadan hoos u dhaca ku yimaaday rabitaankooda dhanka sariirta.

Maqaalkan, waxaan uga hadli doonaa sababaha caadiga ah ee hoos u dhiga waditaanka kulanka raaxada ee haweenka iyo sidoo kale dawooyinka suurtagalka ah.

  1. Sababo nafsi ah

Sida lagasoo xigtay Healthline, walbahaarka, niyad-jabka, walaaca, iyo dhibaatooyinka xiriirka ayaa ah arrimaha ugu badan ee nafsiga ah ee gacan ka geysta hoos u dhaca rabitaanka raaxada ee haweenka.

Mid kasta oo ka mid ah arrimahan ayaa laga yaabaa inay saameyn ku yeeshaan labadaba rabitaanka saiirta iyo kicinta jireed inta lagu jiro kulanka raaxada. Dumarku waxay inta badan dareemaan in ay ku qasban yihiin in ay dusha saartaan mas’uuliyado badan iyada oo aan waqti ku filnayn ama aysan awoodin in ay helaan taageero shucuur iyo mid ficil ah oo ku filan ka helaan dadka kale, taas oo gacan ka geysata walbahaarka oo inta badan uu keeno cadaadiska shaqada iyo qoyska.

  1. Sababo jireed

Qaar ka mid ah sababaha hoos u dhiga rabitaanka raaxada ee dumarka ayaa aad u badan ahna kuwo kala duwan. Waxaa kamida hurdo la’aan, daal, iyo xanuuno dhammaantood gacan ka geysta ​​hoos u dhigida waditaanka kulanka sariirta.

Hoos u dhaca rabitaanka raaxada ayaa waxaa laga yaabaa inay keenaan daawooyinka qaar sida hypertension oo loo qaato dhiig karka iyo antidepressants oo loo qaato walaaca.

Sonkorowga, arrimo la xiriira tayroodhka oo ah qanjir , dhibaatooyinka kelyaha, iyo xaaladaha wadnaha ayaa ka mid ah sababaha keena in rabitaanku noqdo mid hooseeya.

  1. Daaweynta

Daaweynta rabitaanka iyo dareenka oo yaraada way kala duwan tahay. Waa muhiim in wax laga qabto iyadoo lala tacaalayo arrimo nafsi ah sida walbahaarka, murugada, iyo welwelka. Tani waxay noqon kartaa la-talin, isbeddel qaab nololeedka ah, sida ku celcelinta yoga oo ah jimicsi muhiim ah iyo sidoo kale daawooyin.

La-talinta lammaanaha waxay ka caawin kartaa labada dhinacba inay diiradda saaraan isgaarsiinta iyo fahamka marka ay jiraan dhibaatooyin xiriirka. Daawaynta waxay lagama maarmaan u tahay dhibaatooyinka jidhka oo ay ku jiraan hawlgabka qanjirka tayroodh, sonkorowga, cudurrada kelyaha, ama cudurrada wadnaha.

Waa muhiim in la raadiyo la-taliyayaal dhiirigelin leh iyo daaweeyayaal haddii rabitaanka kulanka sariirta ama raaxada uu hoos u dhacay.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid