ARIMAHA BULSHADANOLOSHA

5 Waxyaabood Oo Muhiim Ay Tahay Inaad Sameyso Markaad La Kulanto Diidmo Badan

Waxaan ku noolnahay waqtiyo ay xumaantu u muuqato inay ka badan tahay wanaagga; waxaad eegtaa hareerahaaga, waxaana jira waxyaabo badan oo xun. Baraha bulshada, wararka iyo sheekooyinka ka dhacaya hareeraha, in badan oo ka mid ah waxay u muuqdaan inay yihiin warar xun.

Muxuu qofku sameyn karaa ama uga gudbi karaa xaaladaan marka uu la kulmo diidmo badan?

Waligaa ha lumin diiradda

Joogteynta diiraddaada waa mid aad muhiim u ah, mana aha inaad u ogolaan xumaanta hareerahaaga ka dhacaya inay xadido diiraddaada. Markaad lumiso diiradda, waxaad lumin doontaa dareenka jihadaada.

Wanaagga diiradda saar

Had iyo jeer wax kasta waxay leeyihiin dhinac wanaagsan oo laga eego, waxa kaliya ee ay u muuqdaan dadka ayaa ah inay diiradda saaraan kuwa xun oo aysan fiiro gaar ah ama il gaar ah siinin wanaagga.

Inaad diirada saarto waxyaabaha xunxun wax faa’iido ah kuguma kordhinayso, laakiin inaad diirada saarto waxyaalaha wanaagsan waxay leedahay faa’iidooyin badan.

Xalka saar diiradda

Farqiga weyn ee u dhexeeya ninka guulaysta iyo kan aan guulaysan waa waxa ay diiradda saaraan. Qof kastaa waxa uu leeyahay caqabado, laakiin halka ninka guulaysta uu leeyahay maskaxda uu diiradda saaro xalalka, nin aan guulaysanina waxa uu diiradda saari doonaa dhibaatada.

Fiiro gaar ah u yeelo xalka, waxaana mar walba jiri doona waddo looga baxo.

Dad wanaagsan

Qofka kuu dhow ayaa had iyo jeer saameyn kugu yeelan doona. Naftaada u dhowee dad wanaagsan oo waxaad arki doontaa natiijooyin wanaagsan, naftaada u dhoweey dad xun waxaadna heli doontaa natiijooyin xun.

Awooda hareerahaaga ah ha ahaato mid wanaagsan, tanina waxay dhici kartaa oo keliya marka dadka kugu xeeran ay yihiin kuwo wanaagsan.

Baro inaad wax iska dayso ama iska iloowdo

Wali lama arag faa’iido uu leeyahay welwelka; werwerku wuxuu leeyahay khataro badan mana jirto faa’iido. Baro inaad wax iska deyso ama iska iloowdo oo aad aqbasho mas’uuliyadda ficilkaaga, wax ka baro oo horey uga soco. Ka werwerka waxyaabahaas ayaa dhibka sii kordhin doona.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid