ARIMAHA BULSHADACAAFIMAADKA

7 faa’iido oo ay leedahay cunista avocado maalin kasta

Afkaadhada waa mid ka mid ah cuntooyinka ugu nafaqada badan adduunka. Waxay qani ku tahay waxyaabo badan oo u wanaagsan caafimaadkaaga oo ay kamid tahay dufan “wanaagsan” oo jidhkaagu u baahan yahay.

Halkan ka akhriso 7 faa’iido oo ay leedahay cunista avocado maalin kasta

Indhaha ayay u fiicantahay

Ku darida Afkaadhada cuntadaada maalinlaha ah waxay kaa caawin kartaa yaraynta khatarta ah inuu kugu dhaco macular degeneration oo ah cudur yareeya araga oo la xidhiidha da’da. Afkaadhada waxaa ku jira lutein iyo zeaxanthin kuwaas oo ah maadooyin antioxidants muhiim ah oo caawiya ilaalinta indhaha.

Wadnaha ayay u wanaagsantahay

Haddii aad rabto inaad ilaaliso caafimaadka wadnahaaga, markaa waa inaad ku dartaa afkaadhada cunto maalmeedkaaga. Afkaadhada ayaa la caddeeyay inay faa’iido u leedahay hoos u dhigista kolestaroolka.

Afkaadhada waxaa ku jira beta-sitosterol taasoo gacan ka geysata ilaalinta heerarka caafimaadka kolestaroolka.

Nafaqada Potassium

Potassium waa nafaqo muhiim ah oo jidhku u baahan yahay. Daraasado dhowr ah ayaa ku xiray qaadashada potassium badan inay hoos u dhigto cadaadiska dhiigga, taas oo ah khatarta ugu weyn ee halista wadno-qabadka.

Dufan wanaagsan

Avocado waxay qani ku tahay dufanka oleic oo ah dufan wanaagsan oo caawiya ilaalinta wadnaha.

Waxaa ka buuxo faaybar

Avocado aad bay ugu badan tahay faaybarka waxayna ka kooban tahay 6-7 garaam oo fiber ah badhkii iyada ah. Cunista cuntooyinka hodanka ku ah fiber-ku waxay caawisaa ka hortagga calool-istaagga, ilaalinta hab-raaca dheef-shiidka waxayna hoos u dhigtaa khatarta kansarka mindhicirka.

Maqaarka ayay u wanaagsantahay

Ku darida avocado cunto maalmeedkaaga waa muhiim haddii aad rabto maqaar caafimaad qaba sababtoo ah avocado waxaa ku jira fiitamiino iyo macdano badan oo ka caawiya ilaalinta caafimaadka maqaarka.

Gabowga jirka

Isticmaalka joogtada ah ee avocado waxay kaa caawin doontaa hoos u dhigista calaamadaha gabowga ama da’da ah. Avocado waxaa ku jira xanthophyll oo leh waxyaabo liddi ku ah gabowga.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid