3 Amaan Oo Haweeneyda Dareensiiya Inay Cajiib Tahay Oo La Jecelyahay

Amaanida ama faaninta lamaanahaaga waa qeyb ka mid ah dhisida xiriir caafimaad qaba iyo qaab lagu xoojinayo xiriirka.
Amaanta ayaa haweeneyda ka dhigeysa inay dareento jacayl, qiimo iyo inay kugu weyntahay. Macno badan ayeyna u leeyihiin iyaga.
Haddii aad ubaahantahay inaad markasta dareensiiso inay kugu weyntahay, markaa hubi inaad u sacbiso adoo ku tuuraya amaanta qaar.
Hoos ka akhriso qaar kamid ah amaanta ugu fiican oo aan ka dhigi doonin oo keliya inay dareento jaceyl laakiin sidoo kale dhalaali doona qalbigeeda;
- Adigu waxaad tahay qof la jeclaado
Ma jiraan wax ka dhigaya gabadha mid dareenta inay qiimo leedahay isla markaana ay cajiib tahay oo aanan ka ahayn sida inaad u sheegto inay tahay qof la jeclaado.
Tani waa hab loogu sheego iyada sida ay u qurux badan tahay, qiimo u leedahay iyo soo jiidasho. Waxaad tustay inaad qiimeyneyso quruxdeeda.
- Qofna iigama farxiyo sidaad iiga farxiso
Inaan nolosha kugu heysto waxay ahayd waayo aragnimo farxad leh. Mana jirin wax iiga farxad badan la joogaaga.
Waxaad nolosha iiga dhigtay mid dhadhan leh waxaadna itustay macaanka dhabta ah ee ay noloshu leedahay.
- Ma joojin karo inaan kaa fekero
Runtii tani macnaheedu wuxuu yahay inaad si aad ah u jeceshahay iyada oo aad ka fikirto iyada ilbiriqsi kasta kasta.
Haweeneyda aad ku dhahdo waxaa u cadaaneyso inaad si aad ah u jeceshahay iyo inay tahay haweeneyda kaliya ee ay naftaadu u baahantahay.