XIRIIRKA IYO GUURKA

14 Astaamood Oo Aad Ku Garan Karto In Ninka Aad Wada Soctaan U Qalmo Naftaada

Ogaanshaha astaamaha dhabta ah ee lagu garto inuu yahay nin wanaagsan way adkaan karaan. Ma yahay nin qalbi wanaagsan oo naxariis badan? Miyuu kuula dhaqmaa si wanaagsan?

Naxariistiisu ma waxay ku timaaday asaga oo raba inuu fiicnaado mise wuu been abuurayaa?

Halkaan ka akhriso astaamaha aad ku garan karto inaad la socoto nin wanaagsan oo u qalmo naftaada.

1. Waa qof daacad ah oo toosan.

2. Kama baqayo inuu ballan kaa qaado. Waxa u ku tusaa waxa uu rabo.

3. Wuxuu ku dadaalayaa inuu arko kartidaada.

4. Wuxuu kugu xujeeyaa inaad ka guul gaarto hadafyadaada. Wuxuu had iyo jeer u taaganyahay inuu gacan kusiiyo markaad gacan u baahato.

5. Wuu kugu jecel yahay qofka aad tahay.

6. Wuxuu ku dareensiiyaa inaad wanaagsantahay si kasta oo aad u ekaato.

7. Wuxuu rabaa inuu barto qoyskaaga.

8. Sidoo kale ma qariyo qoyskiisa. Wuxuu rabaa inuu sidoo kale barto qoyskaaga oo uu waqti la qaato dadka aad kuugu dhow adiga.

9. Waad ku kalsoonaan kartaa waana isku haleyn kartaa isaga.

10. Wuxuu ku dareensiiyaa inaad haysato qof garabkaaga ah. Isagu waa kan aad kala hadli karto waxkastoo jira.

11. Ninka wanaagsan wuxuu xushmeeyaa noloshii aad horey usoo martay. Kama cabsado shaqadaada, asxaabtaada ama guulahaaga laakiin wuu u dabaaldegaa.

12. Iskuma dayo inuu kaa horjoogsado hammigaaga iyo waxyaabaha aad jeceshahay inaad ka guul gaarto taas badalkeedana wuu ku gacan siiyaa.

13. Wuxuu muujiyaa ixtiraam, daacadnimo iyo run ahaantii inuu doonayaa inuu ku ilaalsho.

14. Wuxuu mudnaan ka dhigaa inuu ku dareensiiyo daryeel, jaceyl iyo inuusan iska indha tirin xanuunkaaga.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid