NOLOSHAXIRIIRKA IYO GUURKA

6 Qalad Iska Ilaali Markaad Raalli-galinayso Qofaad Khalad Ka Gashay

Qof kastaa wuu qaldamaa, sababtoo ah qofna ma qummana, laakiin cafisku mararka qaarkood wuxuu ku xiran yahay sida loo hindiso.

Dadka qaarkiis ma yaqaaniin sida loo yiraahdo ‘Waan ka xumahay’ sida saxda ah, taasoo keenta, inta badan inaysan helin cafiska ay u baahan yihiin.

Haddii aad rabto inaad raali galiso qof ama raaligelin aad bixiso, waa inaad hubisaa inaad iska ilaaliso khaladaadka soo socda.

Cafis degdeg ah

Hadba qofkaad dulmiday iyo nooca khaladku yahay, cafisku waxa uu qaadan karaa wakhti dheer. Markaa waa in aad fahanto kuwaas, oo aadan ka filan qofka inuu si degdeg ah u aqbalo raali gelintaada,horayna u sii socdo.

Raalingelin daahda

Mararka qaarkood, qab weyninka iyo kibirka ayaa naga hor istaaga inaan si wanaagsan u fikirno. Marka aad qof qalad ka gasho waxa saxa ah inaad samayso waa raali galin isla markaaba aad garato in aad khaldanayd.

Raali gelinta inay waqti dheer kugu qaadato xaaladda ayay uga sii dari kartaa.

Eedeyn

Haddii aad garato inaad khaldan tahay oo aad rabto inaad raali gelin bixiso islamarkaana aad u dhaqaaqdo sidii aad shaqsiga qaladka kagashay u raaligelin lahayd, iska ilow eedeyn inaad sameyso, xitaa haddii qofka kale uu khaldan yahay.

Taasi waxay ka dhigaysaa oo keliya in arrimuhu ay sii adkaadaan. Daqiiqada aad doorato inaad raali geliso, waxay la macno tahay inaad doonayso inaad iska illowdo wixii dhacay.

Qiil

Waxaan maqlay dadka oo leh, “Waan ka xumahay, laakiin”. Marka ay raalligelin noqoto waa inaad meesha dhan ka saartaa laakiin waxa la yiraahdo. Haddii aad rabto inaad u gudubto heerka xiga, oo aad iska illowdo arrinka – wax kasta oo ay tahay, waa inaad noqotaa qofka weyn, oo aad iska hilmaamtaa wixii hore.

Farriin inaad ku dirto raalligelin

Inaad xadgudub jir ahaan ah geysatay mooyaane, oo aad, aad uga fog tahay meesha uu ku nool yahay qoka, ma jirto sabab aad qoraal ahaan uga cudurdaarato.

Way waxtar badan tahay markaad u tagto qofka, indhaha ku fiiriso, oo aad tidhaahdo waanka xumahay.

Been Iska dhaa oo runta sheeg

Dadka badankiisu waxay isku dayaan inay beenta qariyaan iyagoo been badan sheegaya. Taasi waxay khatar gelinaysaa wax walba oo ay sii adkaynaysaa. Markaad qof ka khaldantahay, waxaa fiican inaad nadiif noqoto, oo aad wax waliba u sheegto sida ay yihiin.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid