Tilmaamaha Lagu Garto Marka Lamaanahaagu Si Hoose Uu Kuugu Careysanyahay

Tilmaamaha Lagu Garto Marka Lamaanahaagu Si Hoose Uu Kuugu Careysanyahay. Farxad la’aanta qarsoon ayaa si tartiib tartiib ah u burburin karta xiriir; waxaa muhiim ah inaad fiiro gaar ah u yeelatid marka lammaanahaagu uu qarinayo farxad la’aanta uu qabo, maadaama ay aad u wanaagsan tahay xallinta arrimaha marka ugu horreysa ee ay soo if baxaan.
Haddii aad fiiro dheer leedahay, waxaa jira calaamado badan uu lammaanahaaga lasoo baxo marka asaga / ayada aysan faraxsanayn oo ay qarinayaan farxadla’aanta heysata.
1. Taleefanka oo lagu mashquulo
Marka lamaanahaagu waqti badan ku bixiyo taleefankiisa / keeda oo uu ku mashquulo islamarkaana uu siiyo fiiro ka badan taada, waa calaamad muujinaysa in lammaanahaagu uusan kuu faraxsanayn taleefankana uu galinayo booskaaga muddo gaaban.
2. Aamusnaan
Tani waa calaamad kale oo suurtagal ah oo muujineysa in lammaanahaagu qarinayo inuusan kuu faraxsanayn. Dadku waxay lasoo baxaan calaamadaan markay qarinayaan inaysan faraxsanayn ama markay wax si uun ka yihiin.
Haddii lammaanahaagu uu si isdaba joog ah u jaro xiriirkii uu kula sameynayay oo uu aamusnaado, markaa waa calaamad muujineysa in lamaanahaagu qarinayo inuusan faraxsanayn.
3. Jawaabo gaagaaban
Tani waxay u egtahay qaab ay dadku isku difaacaan si ay iskaga ilaaliyaan ka hadalka mawduuc ama wax aysan markaas rabin. Marka lamaanahaagu bilaabo inuu bixiyo jawaabo hal erey oo kooban markaa waa calaamad ku tusineysa in lammaanahaagu qarinayo inuusan kuu faraxsaneyn.
4. Kulanka raaxada oo dhadhan beela
Galmadu ayaa sidoo kale tilmaan u noqon karta farxad la’aanta qarsoon. Marka lamaanahaagu noqdo mid aan ka falcelin galmada ama gabi ahaanba iska ilaaliyo galmada markaa taasi waa calaamad cad oo muujineysa in lamaanahaagu uusan faraxsanayn.
Galmadu waxay ubaahantahay xaddi aad u weyn oo xiriir ah si loogu raaxeysto, laakiin marka uusan jirin xiriir galmo, waxay ku imaan kartaa lammaanahaaga oo aan faraxsaneyn islamarkaana qarinaya farxad la’aanta heysata.