Fikradaha Qolka Jiifka Ee Loogu Talagalay Lamaanayaasha

Fikradaha Qolka Jiifka Ee Loogu Talagalay Lamaanayaasha. Lammaanayaal kala duwan waxay leeyihiin waxa ay ku sameeyaan qolka jiifka, laakiin asal ahaan waxaa jira waxyaabo qaas ah oo gaar ah oo qolka jiifka u leeyahay lamaanayaasha.
Qolka jiifka waa meel muhiim ah oo lamaane kasta ay tahay inay si habboon uga faa’iideystaan. Waxa labada qof ku sameeyaan qolka jiifka waxay wax badan ka sheegi karaan midowgooda.
Lamaanayaasha ayaa qolka jiifka ka dhigan karaan meel ay ku sameystaan waxyaabahaan.
1. Meel lagu nasto
Qolka jiifka waa inuu ahaadaa mid raaxo leh iyo meel fiican oo lagu nasto shaqada maalinlaha kadib. Sariirta iyo barkimooyinku waa inay ahaadaan kuwo raaxo leh, qolka jiifka waa inuu had iyo jeer hagaagsan yahay oo uu noqdaa mid si wanaagsan looga shaqeeyay.
2. Meel lagu wada hadlo
Qolka jiifka sidoo kale waa inuu noqdaa meel labada lamaane ay ku yeeshaan wadahadallo iyo go’aamo muhiim ah. Lamaanayaashu waa inay wadaagaan fikradaha, dejiyaan qorshooyin ayna hiigsadaan istiraatiijiyadda ugu fiican ee caawinaysa qoyska.
3. Meel qorshe lagu sameeyo
Qolka jiifka kaliya maahan inuu ahaado meel lagu nasto, laakiin waa meel ay lamaanayaashu ku fikiraan kuna nasiyaan maskaxdooda. Marka maskaxdu nasato, sidoo kale jidhka ayaa nasanaya, adiguna markaas waxaad noqoneysaa qof wax soo saar badan yeesha.
4. Meel lagu xaliyo khilaafaadka
Qolka jiifka waa inuusan noqonin meel lagu murmo oo lamaanuhu ay iskula qeyliyaan; taas badalkeeda, waa inuu noqdaa meel aad ku xallisaan wax kasta oo ka mid ah dhibaatooyinka heysta guurka.
5. Meel si weyn loogu raaxeysto
Waxaan la yaabanahay waxa aad ka qaban laheyd qolkaaga jiifka haddii raaxada aysan ku jirin liiska. Qolkaaga jiifka waa inuu noqdaa meel adiga iyo lammaanahaagu aad si cajiba ugu wada raaxeysataan isla markaana midba midka kale uga haqab tiro baahiyihiisa dhanka sariirta.
6. Meel lagu maadsado
Qolka jiifka sidoo kale waa inuu noqdaa meel madadaalo u ah lamaanaha; waa halka ay tahay inay ku ciyaaraan, ku qoslaan kuna baashaalaan. Si kasta oo aad u maleyneyso inaad u weyntahay, qolka jiifka waa meel ay tahay inaad waqti kula qaadato lammaanahaaga.
Macluumaad i qanciYa waLi Idinkama aan HaYo AzxpY