XIRIIRKA IYO GUURKA

4 Sababood Oo Kugu Qasbaya Inaadan Qaabkaan Ula Dhaqmin Lamaanahaaga

4 Sababood Oo Kugu Qasbaya Inaadan Qaabkaan Ula Dhaqmin Lamaanahaaga. Markaad lamaanahaaga kula dhaqanto aamusnaan waxaad dooratay inaad aamusto islamarkaana aad la xiriirto dareenkaaga markaad dhaawac qabto, aadan faraxsaneyn ama aadan wax ku qanacsaneyn

Halkan ka akhriso sababaha ay tahay inaad gabi ahaanba iskaga ilaaliso inaad lammaanahaaga ula dhaqanto sidan ama aad ka aamusto.

1. Waxay Baabi’isaa Isgaarsiinta Xiriirka

Xiriirka aan laga wada hadlin arrimaha jira ma ahan mid caafimaad qaba mana loo baahno inay tan dhacdo.

Intii aad ka aamusi lahayd oo aad u diidi lahayd lamaanahaaga fursad uu ku caddeeyo xaaladaha iyo wixii jira, waxaa fiican inaad u sheegto inuu waqti ku siiyo.

Hubi inaadan waqti dheer aamusnaan. Sidoo kale iska ilaali in xiriirka guurkiina ay waxyeello xoogan soo gaarto.

2. Waxay Keentaa Ciil Iyo Caro

Haddii aad si joogto ah u aamusto mar kasta oo xiriirkiina ay wax ku dhacaan waxaad si dadban lamaanahaaga ugu sheegeysaa inuusan u qalmin inaad la xiriirto.

Qiyaas inaad xiriir la leedahay qof qaabka arrimaha uu wax uga qabanayo ay tahay aamusnaan iyo inuu diido inuu wax sheego maalmo dhan.

Dhaqanka noocan ahi wuxuu keenaa ciil iyo caro. Arimaha aan laga wada hadlin waxay keenaan in lamaanuhu isnacaan islamarkaana guurku burburo.

3. Isku Soo Dhawaanshaha Oo Meesha Ka Baxaya

Isku soo dhawaanshaha lamaanaha ayaa meesha kabaxaya haddii mid kamid ah lamaanaha uu careysanyahay kan kalana uu diido inuu la xiriiro si uu ugu sheego waxa uu qabo.

4. Waa Xadgudub Dareen

Falka noocaan ah ayaa lagu sifeeyay inuu yahay xadgudub dhanka dareenka ah oo aad kula kacday lamaanahaaga.

Kurt Smith oo ah Dhakhtar Mareykan ah kuna takhasusau cilmi safsiga ayaa yiri,

“Haddii aad u baahan tahay inaad aamusnaato si aad u maareyso xanaaqaaga, markaa aamusnaanta ayaa caaqilnimo ah,”.

Waxa uu sheegay in aamusnaanta ay noqoto arrin wanaagsan waa hadaad u aamusto si aad u maareyso xanaaqaaga balse haddii ay dabeecad ama dhaqan kaa noqoto ay tahay arrin xun.

Marka loo isticmaalo in lagu waxyeelleeyo ama lagu ciqaabo, markaa waa xun tahay. Markay dhaafto dhowr saacadood, taas oo inagu filan in dhammaanteen aan wax ku qaboojino oo aan uga gudubno wixii dhaawac ah, markaa waxay noqon kartaa dhaawac xun.”

Iskusoo wada duuboo, la iskama ilaalin karo khilaafaadka xiriirka laakiin in si sax ah loogu maareeyo khilaafaadkan xiriir iyo ficillo wanaagsan ayaa gacan ka geysan doona in lamaanaha ay isku soo dhawaadaan oo ay yeeshaan xiriir wanaagsan oo xoog badan.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid