7 Arrimood Oo Hadaad Sameyso Uu Lamaanahaagu Si Fudud U Arkayo Inaad Si Dhaba U Jeceshahay

7 Arrimood Oo Hadaad Sameyso Uu Lamaanahaagu Si Fudud U Arkayo Inaad Si Dhaba U Jeceshahay. Mararka qaar, ereyada “waan ku jeclahay” ayaa laga yaabaa inaysan keenin natiijada la rabo.
Si, kastaba, waxaa jiraan ficillo fudud oo kaa caawinaya inaad lamaanahaaga dareensiiso jaceyl. Waxyaabaha fudud ayaa maalmahan ah kuwa muujiya jacaylka ugu badan.
Sida laga soo xigtay cilmi baaris lagu sameeyay Ingiriiska, waxyaabaha yar yar ayaa ahaayeen kuwa isbedelka ku sameeyay xiriirada.
Waa kuwaan 7 shay oo fudud oo lamaanahaaga tusaya inaad si dhab ah u jeceshahay.
1. Ka caawi howlaha guriga
Ka caawinta lammaanahaaga shaqooyinkooda caadiga ah waxay ka badbaadin doontaa culeysyo fara badan, waxayna taasi ka dhigeysaa inay dareemaan qaddarin iyo weliba farxad weyn.
Tani waxay noqon kartaa tilmaam aad u fudud, laakiin waa mid leh saameyn weyn.
2. Amaan
Ku bogaadinta lammaanahaaga muuqaalkiisa/keeda, ama markuu inta labisto/labisato ay dharkaas ku qurxoonaato waa hab kale oo fudud oo aad ugu sheegi karto inaad daneyneyso – dareensiinta qof inuu aad u fiicanyahay ayaa muujineysa jaceyl.
3. Amaan lamaanahaaga adinkoo dad kale la joogo
Amaanidda lamaanahaaga marka aad dad kale la joogtaan waxay leedahay saameyn aad u xoog badan. Wuxuu markaas dareemayaa isaga/iyada maamuus aad u sarreeya iyadoo “waan ku jeclahay” aysan dareensiin karin qiimeyn iyo sharfidda uu markaas dareemayo.
4. Dhunko aroortii
Lammaanaha isdhunkada subaxa hore waxay kuwada noolaadaan nolol farxad leh waxayna leeyihiin xiriir ka wanaagsan lammaanaha aan isdhunkan.
Sameynta shay sidan u fudud ayaa tusineysa inaad maskaxda ku heyso jacaylkaaga islamarkaana uu yahay qofka ugu horreeya ee maskaxdaada ku jira ka dib markaad toosto. Waxay muujineysaa isku xirnaan, kalgacal iyo isdaneyn.
5. Kalgacayl u muuji marka uu guriga joogo
U muujinta kalgacayl lamaanahaaga marka aad guriga joogtaan ayaa sidoo kale muujineysa inaad maanka ku hayso.
Ficillo fudud sida laabta ood galiso, koolkoolin iyo jidhka ood kareem u mariso marka guriga la joogo ayaa muujinaya rabitaan iyo jaceyl dhab ah – mararka qaarkoodna tan ayaa ka wanaagsan “waan ku jeclahay”.
6. Waad mahadsantahay
Mahadcelinta fudud xitaa waxyaabaha aan sidaa u weyneyn ayaa sidoo kale muujineysa qiimeyn. Ka mahadcelinta waxyaabaha waaweyn ee laguu sameeyay kaliya waxay muujineysaa xoogaa danaysi ah; laakiin marka aad ka mahad celiso waxyaabaha yar yar ee lamaanahaagu sameeyo, waxay tusineysaa qaddarin dhab ah.
7. Garab istaag lamaanahaaga waqtiyada ku weyn
U muujinta taageero lamaanahaaga waqtiyada qiimaha weyn u leh gaar ahaan marka uu guul ka gaaro waxbarashada, shaqada iyo xirfadaha lamidka ah waa tilmaam kale oo fudud oo muujinaysa jacayl.
Waxyaabaha fudud ayaa runtii ah waxa ugu muhiimsan; iyaga ayaana ah waxyaabaha kala qeybiya xiriirada guuleysta iyo kuwa guuldareysta.