Home XIRIIRKA IYO GUURKA Noocyada Ragga Dumarku Ay Si Fudud Ku Jeclaadaan

Noocyada Ragga Dumarku Ay Si Fudud Ku Jeclaadaan

0

Haweenku waa kuwo yaqaana nooca ragga ay naftoodu u baahantahay si ay nolosha ula wadaagaan inta ay noolyihiin.

Si kastaba, waxaa jiraan ragga qaar oo haweenku ay aad uga helaan islamarkaana ay adagtahay inay gabar diido.

1. Ragga kalgaceylka leh

Xaqiiqdii haweenka way ku adag tahay inay nacaan ragga noocaas ah. Sababtuna waxay tahay wuxuu leeyahay mid kamid ah tilmaamaha ugu muhiimsan ee haweeneydu rabto in ninka uu yeesho.

Sidaas darteed haddii aad rabto inaad si buuxda ugu guuleysato, waa inaad markasta isku daydaa inaad noqoto mid kalgacayl leh.

Ha dareento joogitaankaaga marka aad la joogto. Hubi inaad dhiirrigeliso iyada markay niyad-jabto. Haweenka waligood kaaama tagi doonaan haddii aad sidaa sameysid.

2. Ragga isku kalsoon

Ma isku kalsoon tahay? Maxaad sameysaa markaad cabsaneyso? Haweenka waxay jecel yihiin ragga kalsoonida qaba. Ragga kalsoonida qaba weligood kama baqaan inay muujiyaan dareenkooda.

Isku day inaad noqoto nin geesi ah oo aanan marnaba ka baqin inuu soo bandhigo aragtidiisa, ujeedkiisa iyo waxa uu rabo.

3. Ragga leh garashada

Imisa jeer ayaad gabadha weydiisaa dareenkeeda? Nin ahaan, waa inaad markasta ka walwashaa iyada. Isku day inaad weydiiso sababta aysan ugu jirin jawi farxadeed. Markii ay waxyaabaha qaar kuu sharraxayso, waa inaad isku daydaa oo aad fahamtaa iyada.

4. Ragga tusa rabitaan iyo inay muhiim yihiin

Dumarku way jecel yihiin ragga tusa inay muhiim yihiin. Inaad mararka qaar waqti lasoo qaadato iyo inaad wacdo ama farriin qoraaleed u dirto adigoo shaqada jooga ayaa kamida hababka aad gabadha ku tusi karto inaad daneyneyso oo muhiim ay kuu tahay.

Waa inaad isku daydaa inaad tusto inay muhiim tahay maadaama ay tani kaa caawineyso inaad si buuxda u hanato.

Previous article3 Waxyaabood Waligaa Haku Odhan Qof Lamaanihiisa Ay Kala Tagayaan (Furriin)
Next article7 ficil oo lamaanahaaga tusaya inaad si dhab ah u jeceshahay