Home XIRIIRKA IYO GUURKA 3 Waxyaabood Waligaa Haku Odhan Qof Lamaanihiisa Ay Kala Tagayaan (Furriin)

3 Waxyaabood Waligaa Haku Odhan Qof Lamaanihiisa Ay Kala Tagayaan (Furriin)

0

Markay ku saabsantahay waxyaabaha aan u sheegno dadka kale, qofka waa inuu ka taxadaraa xaaladda qofka markaas aad la hadleyso uu ku jiro.

Waxaa jiraan ereyada qaar oo qofka aad ku dhahdo dhaawac bis aanan u geysaneyn ee balse sidoo kale burburinaya.

Marka ay noqoto saaxiib wajahaya furiin, waxaa jiraan waxyaabaha qaar oo ay tahay inaad iska ilaaliso inaad ku dhahdo, waxana kamid ah.

  1. Maxaa dhacay?

Marka qof uu kuu sheego in lamaanihiisa uu furayo, inaad weydiiso waxa dhacay mar kasta waa fikrad qaldan.

Waxay u qaldantahay waxaad ka dhigeysaa qofkaas isaga/iyada mid xasuusta xanuunka ku qasbay in arrinta gaarto furriin.

  1. Sidee taas caruurtaada ugu sameyn kartaa?

Inaad qof la furayo ama wax furayo ku dhahdo sidaan waxay isaga/iyada ku keeneysaa inuu isnaco.

Markay ku saabsantahay caruurta waa inaadan faragelin maadaama ay iska cadahay inay goor horeba ka fekereen caruurta kahor inteysan go’aan ku gaarin inay kala tagaan ama isfuraan.

  1. Taas waligeen nagu dhici mayso

Marka saaxiib uu kuu sheego in isaga/iyada ay kala tagayaan lamaanihiisa, waxa ugu xun ee aad sameyn karto ayaa ah in xaaladda uu isaga ama iyada ay ku jirto aad la barbar dhigto taada adigoo ku dhahaya Taasiweligeen nagu dhici mayso.

Inaad sidaas ku dhahdo saaxiibkaa ayaa ah mid dhaawaceysa isaga/iyada.

Previous articleWaxyaabaha Sababa in Naasaha Ay Dhacaan & Sida Looga Hortago
Next articleNoocyada Ragga Dumarku Ay Si Fudud Ku Jeclaadaan