Waxyaabaha Sababa in Naasaha Ay Dhacaan & Sida Looga Hortago

Dhcitaanka naasaha waa kuwo si guud u heysta haween farabadan, waxaa jira haween farabadan oo waayay adeeggii naasaha.
Waxaa jira waxyaabo sababa intabadan oo keena in ay jilcaan naasaha haweenka amaba ay dhacaan oo intooda badan ay haweenka ku dhaqaaqaan.
Marka, maxay tahay waxyaabaha ugu badan ee sababa jileeca naashaa ma dhicitaankooda ?
Cayilka
Markii aad caatada ka gudubtid, jileec iyo dhicidda naasha markaas ayuu koow kuu yahay, marka ay haweeney cayisho meel walba oo jirka ah ayay ka cayishaa oo ay ku jiraan naasaha sidaa darteed marka ay haweeneyda isku daydo inay cayilka iska baabi’iso sidoo kale waxaa isku soo aruura ama isku yimaada meel walaba oo jirkeeda kamid ah oo ay kamid yihiin naasaha waana cayilka waxa intabadan haween badan naasaha ka jilciyay, marka iska eeg cunada aad cuneysid, cayilkana iska jar.
Cabista Sigaarka/ Shiishadda
Cabista sigaarka ama shiishadda waa kuwo la hubo oo si deg deg ah naasha u jilciya ama u rida, sababta way fududahay, sigaarka wuxuu baabi’iyaa burutiinka jirka taasoo jirka u keenta kala daadasho,marka iska dhaaf oo jooji sigaarka caafimaad ahaana kuuma wanaagsana.
Xirashada Rajabeeto qaldan
Xirasho la’aanta rajabeetada waxay keentaa in naasaha ay deg deg u jilcaan oo ay dhacaan maxaa yeelay wax celiya ama adkeeya ama taageero ma heystaan, waxay weyn karaan dabacsanaan iyagoo noqonaya kuwo aanan adeeg lahayn.
Sidoo kale isticmaalka rajabeeto walba ama cabir qalad ah way xuntahay maadaama aysan la ekeyn ama taageeradii loo baahnaa aysan sii Karin naasaha sidaa darteed mar kasta xiro cabirkaaga saxda ah haddii aadan aqoon weydii dadka ka ganacsada.
Jird dhis la’aan
Jir dhiska wuxuu adkeeyaa jirka awood ayuuna u yeelaa,marka aadan aalaminteyn waxaad Qatar ugu jirtaa xanuuno waxaana dhacaya naasahaaga marka iskana ilaali jird his xad dhaaf ah oo wax yar oo saaacad oo kale ah ayaa kugu filan.
Biyo yari
Jir adag hadaad aragtid waa mid qoyan, naasaha waxay u baahanyihiin inay noqdaan kuwo caafimaad qaba isla markaana biyo kufilan hela si ay adeegooda ugu taagnaadaan oo aysan u jilcin.
Haddii aad isticmaashid kareeman, ha hilmaamin naasaha iyo meelaha kale ee u dhow dhabtaada, had iyo jeerna cab biyo badan.