Sidee loogu sheegaa Seygaaga inaad u baahantahay Ciyaarta Sariirta ?’

Dumarka aad ayay uga xishoodaan inay si toos ah raggooda ugu sheegtaan inay qabaan baahi dhinaca ciyaarta sariirta ah isla markaana ay u baahanyihiin howshaas, haddii uusan ninka ahayn nin maskax furan oo wax walbo ka aqrin kara ama ka dareemi kara wajiga lamaantiisa, balse haddii uusan garasho badneyn oo uusan ahayn nin wax dareemi og maba fahmaayo marka ay xaalad jirto oo shaqo la iska rabo.
Inaad toos ugu sheegtid inaad raaxo u baahantahayna waxay noqon kartaa mid adag.
Hdaba Wacdaro Online, oo ah Shabakad ka falanqoota arrimaha bulshada ayaa waxa ay kuu heysaa talo ku aadan qaabka loogusheego Ninkaaga in raaxo u baahantahay.
Haddii aadan rabin inaad si toos ah ugu sheegtid, qaabab fudud ayaad ku tusi kartaa.
- Inaad u sheegtid
Diyaarso meel ku haboon, haddii aad aaminsantahay inuu isla markiiba kaa ogolaan doono, diyaarso goobta, shido dhowr shumac isla markaana kusoo dhoweey daawasho, ama dhageysiga music, iyo wixii lamid ah iskana hubi inaad waqti kugu filan u heysatid kulanka sariirta.
- Sug illaa aad labadiina kaliya aad isku soo hartaan
Waxyaabo kamid ah xiriirka waa looga sheekeysan karaa bannaanka ama goobaha bulshada, balse kahadalka wax shaqsiyan ah waxay ku wanaagsanyihiin gooni ama meel gaar ah.
- Umuuji inaad diyaar u tahay ciyaarta sariirta
Waxaad tusi kartaa tilmaamo muujinaya inaad kulan diyaar u tahay balse waxaa macquul ah inuu garan waayo haddii ay taasi dhacdana is adkeey oo ku dhiiro inaad u sheegtid dareenkaaga.
Isku day inaad weydiisid “Waxan diyaar u ahay inaan kula raaxeysto, sideey kula tahay howshaas ma ila qabanee? Sided u aragtaa hadaan isku soo dhawaano ?
Haddii aadan jecleyn fikirka ah inaad weydiisid inaad rabtid raaxo, waxaad si fudud ku dhihi kartaa “Waxan diyaar u ahay inaad isu soo dhawaano, marka haddii aad hadallo sidaas lamid ah ku dhahdid haduu wax fahmaayo waxay u badantahay inuu hore ka aqbalo.
- Qiimee jawaabtiisa.
Haddii uu ku yiraahdo maya ma rabo diyaar uma ihi qof faham leh noqo hana ku cadaadin wuxuu u baahnaan karaa waqti yarwaana muhiim inaad hubisid in labadiinaba aad diyaar utihiin inaad wada raaxeysataan.