Gabar Isbitaal Ku Dhex Guursatay Ninkii Ay Jecleyd Oo Dhaawac Ah

Magaalada Kirundo ee waqooyiga dalka Burundi, waxaa ka dhacay aroos ay si aad ah ula yaabeen dadka kadib markii lamaane da’ yar ay isku dhex guursadeen isbitaal iyadoo ninka uu sariir la jiifay dhaawac culus oo soo gaaray maalmo kahor.
Charlotte Mukantwari ayaa isbitaal ku dhex guursatay seygeeda Gabin Ndayizigiye halkaas oo looga daaweynayo dhaawac 30-kii bishii Juun kasoo gaaray shil Mooto.
Charlotte Mukantwari, ayaa seygeeda la joogtay tan iyo markii uu shilka galay ee la dhigay isbitaalka waxayna labadooduba go’aansadeen in xafladda ay qabsadaan afartii bishaan July sida ay qorsheeyeen.
Inkastoo Baadarigu u sheegay Ms Mukantwari inay si caadi ah u labisato madaama xaflad yar ay dhaceyso hadana waxay soo xiratay dharka arooska.
“Waxaan sugaayay maalintaan muddo dheer, fal sheydaan ayuu ahaa dhibka ku dhacay Gabin Ndayizigiye. Ma garanayo siday noqon lahayd nolosheyda haddii aroosku aanu dhici lahayn. Ayay tiri Ms Mukantwari.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale soo buux dhaafiyay dhismaha isbitaalka si ay u daawadaan xafladda arooska oo ahayd mid layaab ku noqotay.
Mr Ndayizigiye, ayaa sheegay inuu ka helay go’aanka xaaskiisa ee ku aadan arooskooda iyadoo uusan garaneyn inuu mar kale awoodi doono inuu socdo.
Ndayizigiye, ayaa si kooban uga qeyb qaatay xafladda arooskooda waxana dib loogu celiyay sariirtiisa isbitaalka.