Waxyaabahan Hadaad Lamaanahaaga Ku Aragto Wali Qoftiisi Hore Ayuu Jecelyahay

Dadka qaarkood iskama saaraan xasuusta lamaanahoodii hore ama xittaa dareenka waqtiyadii ay lasoo qaateen qofkaas kahor inta aysan qof kale xiriir la yeelan.
Markaad xiriir la yeelato qof aanan ka dhammaan ama ka gudbin lamaanihiisii hore ama qofkii uu horey xiriirka ulalahaa, qaabkaan ayaad ku ogaan doontaa.
- Ka hadalkooda ma joojiyo/ma joojiso
Tani waa calaamadda ugu badan ee lagu ogaado in lamaanahaaga uusan wali ka dhammaan qofkii uu ay horey xiriirka u lahaayeen.
Marka qofaad xiriir la leedahay uu mar kasta ka hadlo qof uu horey xiriir ulalahaa iyo wixii ka dhexeeyay waa arrin ay iska cadahay in la ogaado.
Waxaad sidoo kale ku ogaaneysaa qof kaas wuxuu kusoo daraa sheeko kasta ama hadal taasoo ah mid kashifeysa in lamaanahaaga xiriirkii uu lalahaa qoftii hore uusan dhammaan.
- Isbarbardhig
Bal qiyaas lamaane ka hadlaya sida uu u wanaagsanaa lamaanihiisa hore isaga ama iyada oo ku hortaagan, miyaysan waali ahayn sax? Waa xusmad darro xun iyo xadgudub weyn oo aad u geysatay lamaanahaaga.
Waad liiday lamaanahaaga adigoo tustay in lamaanhaagi hore ay ka wanaagsantahay ama uu ka wanaagsanyahay.
Xitta haddii lamaanahaagi hore uu wanaagsanaa wali ma ahan wax la sheego. Haddii lamaanahaaga uusan kaa fekerin isla markaana uusan ka fekerin dareenkaaga isaga/iyada oo ku liidaya waxay noqon kartaa inaadan qiimo ku lahayn agtiisa/agteeda wuxuuna rajeynayaa inuu lamaanihiisii hore heysto intuu adiga ku heysan lahaa.
- Lamaanihiisi hore ayuu mar kasta difaacaa
La-taliye dhanka xiriirka lamaanaha ayaa sheegay in haddii qofku dareemo inuu difaaco lamaanihiisii hore “Ex” gaar ahaan mararka ay lamaanihiisi hore ahayn udub dhexaadka wada sheekeysiga inay taasi tilmaameyso inuusan wali ka dhammaan qoftiisi hore.
Waa wax laga walwalo marka lamaanahaagu had iyo jeer difaaco isla markaana sheeko walba kusoo daro lamaanihiisi hore oo ay kala tageen.