RAAXADA

3 Qalad Oo Lamaanayaasha Ay Sariirta Ku Sameeyaan Oo Burburiya Xaraaradda kulanka Raaxada

Waxaa jiraan saddex qalad oo intabadan ragga iyo haweenkuba ay ku sameeyaan sariirta kuwaasoo sababa inaysan qancin lamaanayaashooda, kulanka sariirta oo noqda mid liita iyo inay isqiyaamaan.

Saddexdaan arrimood ayaa xittaa keeni in guurku burburo maadaama ay lamaanayaasha isnacayaan.

Hoos ka akhriso saddexdaas arrimood oo muhiim kuu ah, haddii aad sameysana mid kamid ah iska jooji hadda.

1. Nadaafad xumo

Haweenka iyo ragga ayaa cabasho ka muujiya lamaanayaashooda oo gacamohooda ay wasakh yihiin taasi oo ah arrin aad u xun.

Waxay necebyihiin gacmaha wasakhda leh ee jirkooda lagu taabto, iyadoo ay intaas dheer tahay in cudur laga qaadi karo gacmaha wasakheysan oo lagu taabto meelo kamid ah jirka oo muhiim ah.

Sidaa darted, adiga xittaa ixsaan isku sameey oo raadso gacmo dhakh si ay gacmahaaga nadiif u noqdaan taasoo arrin caafimaad ahaan kuu wanaagsan.

2. Ur ama shiir jirka ah

Waa inaad maalintii qubeysataa ugu yaraan laba jeer, sababtoo ah lama joogi kartid lamaanahaaga adigoo uraya.

Sidoo kale dadka qaar ayaa waxay leeyihiin dabeecad ah in lamaanahooda ay u tagaan iyagoo uraya ama aanan qubeysan, arrintaas oo ah mid laga xishoodo.

Inta aadan u tagin lamaanahaaga si aad ula raaxeysato waxaa muhiim ah inaad qubeysato oo kadib adigoo nadiif ah isla markaana carfaya aad u tagto gacalisadaada.

3. Shiir ama ur afka ah

Mar kasta cadeyso oo nadiifi afkaaga sidoo kalana iska caddeey carabka. Mid kamid ah waxyaabaha ugu wanaagsan ee lagaa doonayo ayaa inaad caddeysato mar kasta iyo kahor intaadan u tagin xaaskaaga ama seygaaga si aad ula raaxeysato.

Waa wax foolxumo ah oo qof damiir leh uusan qaadan Karin in xaaskaaga ama seygaaga aad tagto adigoo afkaagu urayo ama aadan caddeysan.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid