5 Nooc Oo Haweenka Kamida Oo Ay Tahay Inaad Ka Fogaatid Markii Aadan Lacag Heysan

Waxaa jiraan heerar kala duwan oo wax la’aan ah laakiin dhib malahan sidaad wax la’aan u tahay, haweenka noocaan ah waa inaad ka ilaalisaa noloshaada.
1. Haweeneyda jecel nolosha qaaliga ah
La-haasaawidda haweeney jecel nolol qaali ah adigoo aan lacag heysan waxay lamid tahay adigoo isku dayaya inaad ceel biyo uga dhaansato dambiil.
Haddii aadan awood u lahayn inaad siiso waxay rabto oo aadan heysan qarash kugu filan kadib ka dhaqaaq.
2. Haweeneyda aan la qanci karin
Haddii aad wax kasta u sameyso isla markaana aysan waligeed qancin markaa noloshaada uma baahna qof noocaas ah.
Raadso haweeney ku farxi doonta kuna qanci doonta waxaad u sameyso.
3. Haweeneyda aan waligeed qiimeyn
Gabi ahaanba ka fogoow haweenka aanan qiimeyn waxaad u sameyso. Inaadan dhaqaale heysan micnaheeda maahan inaad tahay qof liita; waa xaalad kumeel gaar ah kaliya.
Sidaa darteed, haddii aysan qiimeyn oo aysan kaaga mahadcelin dadaalka aad sameyso, kadib kuguma haboona haweeneydaas.
4. Haweeneyda aan eegin dhaqaalahaaga
Dabcan, waa inaad iska ilaalisaa haweeneyda aanan daneyn ama eegin heerkaaga dhaqaale. Haddii ay rabto inay ku noolaato nolol ka sareeysa waxaad dhaqaale ahaan u siin karto kadib waa inaad ka fogaataa haweeneyda noocaas ah.
Waligeed kuguma caawineyso nolosha waxaadna ahaaneysaa midaanan hormar gaarin waligiis.
5. Haweeney caajisleey ah
Haddii aad tahay nin dhaqaale la’aan ah, waxaad u baahantahay inaad ka fogaatid haweeney caajisleey ah.
Haweeneyda noocaas waxay dileysaa dhammaan rajooyinka iyo kalsoonida buuxdo ee aad qabto, waxaana laga yaabaa inaad ku raaxeysato wax la’aanta kahor intaadan ogaanin.
Waa inaad doorataa gabar ku dhiirigalisa.
Haweenka noocaan ah waa inay ka fogaadaan noloshaada hadaad wax la’aan tahay.