XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Sifood Oo Lagu Garto In Lamaanahaaga Aad Jeceshahay Inkabadan Intuu Ku Jecelyahay

Xiriir kasta ama guur kasta malahan jaceyl siman; hal lamaane ayaa mar kasta si aad ah u jeclaado kan kale.

Madaama uusan jirin xiriir yeesha jaceyl siman, hadana waxaa la rabaa in jaceylka labada lamaane uu noqdo mid si aad ah iskugu dhow haddii uusan xittaa isla ekaan.

7 Farriimood Oo Aad U Macaan Oo Uu Ninkaaga Jeclaan lahaa Inuu Kaa Helo

Halkaan ka akhriso 3 sifood oo lagu garto in lamaanahaaga aad jeceshahay inkabadan intuu ku jecelyahay.

1. Waxaad u sameysaa wax kasta uu lamaanahaagu dalbado

Adiga ayaa jecel lamaanahaaga inkabadan inta uu ku jecelyahay ama ay ku jeceshahay haddii aad muhiimad siisid dalabkiisa/keeda isla markaana iyada/isaga uusan sameyn sidaas oo kale.

Marka xiriirku yahay mid wanaagsan, waxaa labada lamaane laga rabaa inay isku tanaasulaan.

Waa waqtigaad dib u qiimeyn lahayd xiriirkiina haddii aad had iyo jeer sameysid waxa uu lamaanahaagu dalbado isla markaana sidaas oo kale waligiis uusan adigana kuu sameyn.

2. Adiga ayaa had iyo jeer codsada inaad la kulanto ama aragto lamaanahaaga

Marka runta laga hadlo, qof walba wuxuu uu jecelyahay inuu waqti la qaato qofka uu jecelyahay.

Haddii aad tahay qofka mar walba ku dadaalo inuu la kulmo gacalisadiisa/gacaliyaheeda oo lamaanahaagana waligiis/waligeed aysan isku dayin sidaas oo kale, way iska cadahay inaad jeceshahay lamaanahaaga inkabadan inta uu ku jecelyahay ama ay ku jeceshahay.

3. Adiga ayaa mar kasta waco lamaanahaaga

Isgaarsiintu waa u muhiim xiriir ama guur kasta. Waxaad jeceshahay lamaanahaaga inkabadan inta isaga ama iyada ay ku jeceshahay haddii aad mar kasta adiga wacdo oo farriimo aad u dirto iyadoo lamaanahaaga uu kusoo waco ama fariimo kuusoo diro mar dhif ah.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid