ARIMAHA BULSHADA

Dhaqtar Iyo Kalkaaliso Arooskooda Uu Ka Dhacay Isbitaalka Ay Ka Shaqeeyaan

Dakhtar iyo Kalkaaliso arooskooda u baajin lahaa fayraska Corona dartiis ayaa isku dhex guursaday isbitaal ay ka shaqeeyaan.

Lamaanaha oo lagu kala magacaabo Jann Tipping oo 34 sano jir ah iyo Annalan Navaratnam oo 30 jir ah, ayaa isku dhex guursaday isbitaalka lagu magacaabo St Thomas, ee ku yaala magaalada London.

Martidii arooska ayaa maalintaan cajiibka ah kala socday tabinta tooska ee Facebook, kadib markii mid kamid ah marqaatiyaasha xafladda nikaaxa uu toos uga baahiyay Facebook.

Lamaanaha ayaa waxay sheegeen inay go’aansadeen in guurkooda uu dhaco “iyadoo qof walba uu caafimaad qabo”,.

Mr Navaratnam iyo Ms Jann Tipping ayaa waxay sheegeen in qorshohooda rasmiga ah uu markii hore ahaa inay aqal galaan Bisha Agoosto ee sanadkaan balse ay baajiyeen kadib markii ay ka baqeen in qoysaskooda oo kala jooga Sirilaanka iyo Waqooyiga Ireland ay ka qeyb gali waayaan Arooskooda.

Lamaanaha oo ka yimid degmada Tulse Hill ee Koonfurta magaalada London, ayaa go’aansaday inay soo hormariyaan arooskooda, waxaana loo ogolaaday in xaflad aroos oo gaar ah ay ku sameystaan gudaha isbitaalka St Thomas ee magaalada London.

Jann Tipping oo ah Kalkaaliso ka shaqeysa qeybta gurmadka deg-dega ah ee Ambalaasta ayaa tiri “Waxaan rabnay inaan hubino inaan dabaal-dagno iyadoo aan awoodno dhammaanteen xitaa haddii ay noqoto in kuwa aan jecelnahay ay naga daawadaan shaashad”,.

Ms Tipping waxay arooskooda ku tilmaamtay mid “Farxad iyo jacayl lahaa” laakiin waxay intaas ku dartay inuu layaab lahaa maadaama uu ka dhacay halka ay ka shaqeeyaan labadooda.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid