5 Arrimood Oo Kugu Qasbaya Inaadan Nin Ka Yeelin Xiriir Qarsoodi Ah

Waa wax laga naxo in haween badan ay maalmahaan noqonayaan kuwo ku faraxsan in xiriir qarsoodi ah ay la yeeshaan ragga. Hadaba, ‘way wanaagsantahay inaad noqoto haweeney la qabo haddii ay noqon lahayd inaad noqoto xaaska labaad ama saddexaad’ laakiin waxaa xiriirka qarsoodiga ah dhan waliba uga wanaagsan mid la ogyahay.
Halkaan ka akhriso 5 sababood oo micno aysan u sameyneyn inaad noqoto haweeneyda labaad ama saddexaad ee qarsoodiga lagu qabo.
1. Xiriirku waa qarsoodi
Maxay tahay faa’idada inaad ku jirto xiriir haddii xiriirku qarsoodi yahay? Wax micno ah malahan xiriir aad iskula dhaqmeysaan sidii dad kala fog markaad banaanka joogtaan balse aad isku soo dhowaaneysaan markii aysan dad idinla joogin.
2. Haraagi ayaad heleysaa
Micno malahan inaad noqoto haweeney uu xiriir hoose la leeyahay ninka sababtoo ah waxaad heleysaa haraadiga. Wuxuu mar kasta waxa ugu fiican siinayaa xaaskiisa halka adigana aad u joogto boos buuxis kaliya.
Waxa kaliya ee ninku kuugu talagalay ayaa ah inaad buuxiso waxa ka dhiman waxa uu ka helayo guurkiisa weyn ama muhiimka ah.
3. Mar walbo waxbaa maqan
Had iyo jeer waxbaa ka maqan xiriirka markaad yeesho inaad noqoto haweeney uu nin xaas kale leh qarsoodi ku qabo.
Intabadan waa inaad la taacaashaa kalinimo, sababtoo ah ma heli kartid ninka markaad u baahantahay.
4. Waxaad lumisay ixtiraamkaagi iyo qiimahaagi
Waligii ku ixtiraami maayo hadii aad aqbasho inaad noqoto haweeney uu si qarsoodi ah ku qabo. Dhib malahan wuxuu kuu sheego, waxaad lumisay qiimahaagii waqtiga aad ka aqbasho inaad noqoto haweeneyda labaad ee uu qarsoodiga ku qabo.
Maxay tahay faa’idada uu leeyahay xiriir aad ku weyneyso ixtiraamka?
5. Waqti kasta ayuu dhamaan karaa xiriirka
Micno malahan noqoshada haweeney uu nin qarsoodi ku qabo sababtoo ah xiriirku malahan wax mustaqbal ah, wuxuuna dhamaan karaa waqti kasta.
Bal qiyas waqtiga aad ku lumisay xiriir aanan wax mustaqbal ah lahayn.