XIRIIRKA IYO GUURKA

4 Arrimood Waa Inaadan Waligaa Ku Sameynin Gabar Wax Walboo Dhaca

Haweenka waa dhadhanka nolosha. Waa kuwo leh qiimo aad u wanaagsan kana dhiga nolosha ninka mid kaamil ah.

Noloshu waxay noqon lahayd mid xun dumar la’aantood.

Haweenka Oo Raadiya Kana Hela Ragga Leh Siffooyinkaan Cajiibka Ah

Haweenka, waa kuwo aad muhiim ugu ah nolosha ninka kana caawiya in noloshiisa ay hagaagsanaato.

Haddii aad nasiib u yeelatay inaad hesho haweeney wanaagsan, noloshaadu waxay noqoneysa nolol leh micno buuxa, farxad iyo raaxo.

Laakiin haddii aad heshay haweeney dhib badan waxaad la kulmeysaa jahwareer nololeed.

Haddii aad dooneysid inaad ku noolaato nolol farxad iyo raaxo leh. Waligaa arimahaan haku sameyn haweeney wax kastoo dhaca.

Waligaa gacan ha u qaadin

Haweeneydu waxay mararka qaar noqon kartaa haweeney dhib iyo jahwareer u saaxiib ah.

Dhib malahan waxay xaaskaaga kugu sameysay, waligaa gacantaada ha u qaadin.

Ninka ragga ah ee wanaagsan waa kan aanan haweenka u gacan qaadin isla markaana u samra.

Haddii ay dhacdo inaad garaacdo xaaskaaga waxaa laguu arkayaa nin xun oo haweenka garaaca.

Sidoo kale bulshada ayaa kaa xumaaneysa oo kuu arkeysa nin liita oo aanan noqon Karin nin fiican.

Sidaa darteed, waligaa ha u qacan qaadin haweeney.

Ha baarin taleefankeeda

Ha noqon FBI. Waa inaad ku kalsoonaataa gabadha haddii ay saaxiibtaa tahay iyo haddii ay xaaskaaga tahay intaba.

Baarista taleefanka gabadha aad xiriirka leedihiin ayaa keeni karto inaad aragto waxaadan rabin inaad aragto. Sidoo kale waxaad u ekaaneysaa qof xun oo jahwareersan.

Ha qiyaanin

Ha qiyaanin gacalisadaada haddii kale wax fudud uma qaadan doonto gaar ahaan haddii ay ku jeceshahay.

Waligaa iska ilaali inay kugu qabato ama kugu aragto qiyaano. Waxaa laga yaabaa inaysan waligeed ku cafin. Adigana waxaad sidoo kale noqoneysaa qof xun.

Haka been sheegin heerkaaga dhaqaale

Haka been sheegin heerkaaga dhaqaale si aad ugu guuleysato qalbiga haweeneyda. Iska ilaali inaad u sheegto taajir inaa tahay ama aabahaa uu yahay hantiile.

Rumeyso adigoo aanan fileyn ayay si dhaqsi ah ku ogaaneysaa arrintaas, waadna ka shalaayneysaa beentaas. Beenta waxay kaa dhigeysaa nacas aanan qiimo lahayn marka lagu ogaado.

Had iyo jeer gabadha uga run sheeg heerkaaga dhaqaale markaas haddii ay ku rabto way ku ogolaaneysaa. Maxaa been kugu kalifaya adigoo wali heli kara haweeney diyaar u ah inay kugu raacdo qaabka aad tahay.

Marka haweeney ay si dhab ah ku jeceshahay wax kasta ayay sameyneysaa si ay kaaga farxiso.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid