HEESAHA QORAALKA AH

Heesta Janno Ee Fanaanka Cabdi Hani Xaashi Oo Qoraal Ah (Ka Bogasho Wacan)

Jamaalka Dhagtaa isoo jiito

Jaleecadii baa ijoojisayoo

Dareen jiidh wata jidhkaay iigaloo

Macaan ku jantoo waankuu jeelanahee.

 

Adigoon jirabeyn xidhiidhna jareyn

Intaanan jileyn jidiinka ka go’in

Jugbaa igu maqan wadnaha jareysee Gadhkee

Jaraha fahanoo jawaabsan isii.

 

Jawiga kalgacaylku waa joogteyn tee

Jaan dheerta ciyaarta aan jiifta tunee

Halkaad jirtay bey naftii jamatee

Soo jeeso marwooy Jamaal beyno nehee.

 

Jacayl culusbaa jidka idhigoo

Jaahaaga sanbaa jimil micayee

Jujuubi dartaa jiq baan ku sigtoo

Jufaha kalahoo kusoo jiriyee.

 

Adigoon jid goyn jikaar ibadeyn

Intaan jar dheer jaqladaa ku lug go’in

Jeex qalbigii jannooy ku rabee

Iijiidh dabacoo soo joogso agteeyda.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid