Hadaad Calaamadahan Ku Aragto Gabadh, Ha Shukaansan Haddii Aadan Rabin Inaad Ka Qoomameyso

Shukaansiga waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu xiisaha badan ee dadka dhex mara. Waa geedi socod – wiil ayaa wuxuu gabar ka arkayaa meel fog ama qof kale ayaa baray gabar isagoo gabadhaas ka doonayaa waxkabadan saaxiibtinimo sababtoo ah waxaan wada ognahay inay jiraan xuduudo aadan uga tallaabi Karin qof saaxiib lee kula ah.
Hadda, waxaa jiraan calaamado cad cad oo haddii ninka uu ku arko haweeneyda ay tahay inuu ka fiirsado.
Hoos ka akhriso, qaar kamid ah calaamadahaas.
1. Danta ay leedahay waa lacag
Marka gabar ay kugula joogto inaad lacag leedahay darteed, waxaad u baahantahay inaad digtoonaato. Haweenka noocaas ah waa kuwo aad u badan.
Waxay had iyo jeer isticmaalaan waxyaabo qaali ah sida, haddii ay noqon lahayd taleefanada noocii ugu dambeeyay iyo dhar oo uusan dakhligooda ku filneyn. Waxaa intaas dheer in xiriirka idinka dhexeeya labadiina aysan waxba kusoo kordhin.
Waxaad u baahantahay inaad ka feejignaato noocaan maadaama ay dabin kuu dhigi doonto isla markaanaa ay ku faarujin doonto waxaadna ugu dambeyn kusoo dhici doontaa meel banaan ah adigoo xittaa aanan dacas iibsan Karin.
2. Waxay mar kasta ka hadleysaa jacaylkeedi hore
Tani waa xaalad jahwareer ah, waana calaamad diginin ah marka gabar ay ka hadasho jacaylkeedi hore, haba noqotee inay uga hadasho qaab xun ama wanaagsan.
Marka haweeney ay ka hadasho jacaylkeedi hore ayaa ka dhigan inaysan wali ka dhammaan ninkaas, waxayna u badantahay inay hesho wadadii ay ugu laaban lahayd, markaasna qofka qasaarada qaba waa adiga.
3. Kama farxin kartid iyada
Waxaa dhaceysa in haweeneyda noocaan ah aad wax u sameyso laakiin kuma farxeyso waxaas aad u sameysay mana arkeyso dadaalka aad ku bixisay inaad waxaas u sameyso. Waxaa sidoo kale dhici karta inaysan waxaas ku qancin oo qeylo ay dhagaha kuugu shubto.
Habdhaqankaas, ayaa noqon kara mid niyad jab leh sidaa darteed, waa inaadan waqtiga iskaga dhammeyn xiriirka aad la leedahay haweeney noocaas ah.