XIRIIRKA IYO GUURKA

Haddii Ninka Uusan Lahayn Sifooyinkaan, Ha Guursan Gabaryahay

Ma qorsheyneysaa inaad saldhigato? Helitaanka lamaane wanaagsan ma sahlana. Nin kastana ma noqdo seey wanaagsan.

Haddii ninka uusan lahayn sifooyinkaan, ha guursan.

1. Daacadnimo iyo aaminaad

Ninka wanaagsan waa mid ku siiya nabada maskaxda. Waa nin had iyo jeer ay dhab ka tahay waxa kasta oo uu yiraahdo iyo waxa uu qabto intaba.

Sidaa darteed, haddii ninka laga waayo sifadaan muhiimka ah, waxaa kuu wanaagsan inaad ka fogaato oo aadan guursan.

2. Nin qoys raba

Nin diyaar u ah inuu saldhigto ayaa qiimeeyo qoys. Haddii uusan daneyneyn qoys kadib markaas waxbaa meel ka qaldan.

Kaliya guurso nin diyaar u ah inuu qoys yeesho.

3. Xirfadaha qorsheynta maaliyadeed

Arimaha lacagta ayaa hagaajin kara ama burburin kara guurkaaga. Haddii ninka uusan lahayn xirfado uu ku qorsheeyo maaliyadda kadib waxaa jiraan fursado deyn laguugu yeelan doono.

Guurso nin yaqaan sida loo qorsheeyo lacagta maadaama ay tani kaa caawineyso inaad ku noolaato nolol farxad leh markaad guursato.

4. Mahadnaq

Haweenku waxay rabaan rag umahadnaqa isla markaana dhiirigeliya. Haddii uusan kuu mahadnaqin kuna dhiirigelin markaad laba jeer ka feker.

Mahadcelintu waxay ku dhiirrigelisaa haweeneyda inay waxyaabo wanaagsan sameyso isla markaana wixii ay horey u sameysay wax kasii wanaagsan ay sameyso.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid