Coronavirus oo laga helay xaaska Idris Elba ee Sabrina Dhowre

Xaaska jilaaga caanka ah ee Idris Elba, ayaa sheegtay inuu ku dhacay fayraska covid-19, todobaad ka dib markii fayraskaan laga helay seygeeda Mr Elba.
Sabrina Dhowre ayaa kahor timid baaqa dadka ku dhaleeceynayay inay ka tagto ninkeeda oo ku jiray Karantiil, iyadoona difaacday go’aanka ay kula joogtay ninkeeda.
Waxay u sheegtay barnaamij cusub oo ka baxa Apple TV+ “Inay ay doonaysay la joogitaanka seygeeda, maadaama ay dareemaysay inay tahay xaas, loona baahanyahay inay daryeesho ninkeeda”
Mr Elba iyo xaaskiisa Sabrina, ayaa wareysiga ku sheegay inay iminka ku jiraan karantiil, iyagoona xusay inay ku suganyihiin New Mexico gobolka lagu magacaabo, ee Mareykanka.
Gobolka New Mexico, oo lamaanaha ay hadda ku suganyihiin, ayaa waxaa lagu diyaarinayaa filimkii ugu dambeeyay ee Mr Elba.
Sabrina, ayaa sheegtay in maanta kaliya ay ogaatay inay qabto Coronavirus. iyadoo intaas ku dartay in ay ka fogaan kartay seygeeda balse taas badalkeeda ay dooratay inay isaga la joogto oo xittaa jirkoodu istaabto.
Waxay wax layaab leh ku tilmaamtay inaysan dareemeyn calaamadaha cudurka Coronavirus inkastoo ay sheegtay suurtagalnimada in xaaladdu ay isbedesho todobaadyada soo socda maadaama labadooda cudurka laga wada helay.
Source: BBCSomali