3 Arrimood Oo Kaa Caawin Kara In Gabar Ku Diiday Ay Bedesho Go’aankeeda

Haddii nin uu jecelyahay gabar, waxaa hubaal ah inuu u muujinayo dareenkiisa gabadhaas si gabadha ay u ogaato dareenkiisa ku aadan iyada.
Si kastaba, ragga way ku adkaataa inay aqbalaan xaqiiqda ah in haweeeney ay diiday. La tacaalidda diidmada ma sahlana, gaar ahaan hadaad aad u jeceshahay gabadha. Waxaad u baahantahay inaad dib u laabato si aad arrimaha ugu hagaajiso waqti gaaban oo macquul ah.
Hoos ka akhriso, qaar kamid ah waxyaabaha aad sameyn karto si aad gabadha uga dhigto mid dib kuu tixgeliso.
1. Dhageyso waxay kuu sheegto
Ragga qaar ayaa waxay bilaabaan inay iska indho tiraan isla markaana ay diidaan inay dhageystaan dumarka.
Hagaag, arrintaasi ma ahan wax wanaagsan oo ay tahay inaad sameyso markaad dareento in lagu diiday.
Waxaa lagaa rabaa inaad u dhaqanto sida nin akhyaar ah oo aadan caroonin. Sidaa darteed dhageyso fikradeheeda waxana laga yaabaa inay laba jeer ka fikirto diidmada ay ku diiday.
Xasuusnoow, nin wax dhageysta, waa nin naxariis leh oo qalbi wanaagsan.
2. Si Xushmad leh ula Xiriir
Isgaarsiintu waxay haweeneyda ka dhigi kartaa inay dib uga fikirto go’aankeeda. Si xushmad leh ula hadal xittaa diidmada kadib.
Haweenku waxay dareemaan qiimeyn iyo sharfid markii la xushmeeyo. Waxaa intaas dheer in marka aad xushmeyso ay iyadana ku xushmeyneyso. Ha noqon nin aflagaadeeya oo xumeeya gabadha haddii ay maya ku dhahdo.
Ma jirto haweeney ka tageysa nin ixtiraam leh oo xittaa iyadoo diiday ixtiraam u muujiyay kuna qancay go’aankeeda iyadoo arrintaas ay gabi ahaanba bedeli karto fikirkeeda iyo diidmadii ay ku diiday isla markaana sababi karta inay ka laabato go’aankeeda.
3. Daacad ka noqo dareenkaaga
Usoo bandhig dareenkaaga ku aadan iyada. Waxba haka qarinin. Haweenku waxay jecel yihiin ragga si xor ah uga hadla maskaxdooda.
Si cad ugu sheeg ujeedadaada iyo waxaad ka dooneysid.