Haddii Gabadhu Ay Sameyso Arrimahaan, Ogoow Inay Aad Kuu Jeceshahay

Waxaa jiraan tilmaamo lagu garto marka haweeneydu ay jacayl kuu qaado isla markaana ku daneyneyso.
Haddii haweeneydu ay sameyso arrimahaan hoos ku xusan, si daran ayay kuu jeceshahay.
1. Waxay jeceshahay inay waqti kula qaadato
Jacaylku had iyo jeer waa macaan marka labada qalbi ee isjecel ay waqti isla qaataan. Badanaa haweenka uu jacaylku haayo waxay jecelyihiin inay waqti la qaataan qofka muhiimka u ah ama ay jecelyihiin.
Waxay dalbadaan waqti dheeri ah, iyagoo aad u doonaya inay muujiyaan jacaylkooda maalin kasta, si ay u hantaan qalbigaaga. Waa mid kamid ah calaamadaha ay haweeneyda lasoo baxdo marka ay ku daneyneyso waana inaadan iska indha tirin.
2. Dhageysi
Haweeneyda jacaylka iyo naxariista leh waxay had iyo jeer fiiro gaar ah u yeelataa qofka gaarka u ah ee ku weyn. Waa mid diyaar kuu ah mar kasta oo aad u baahantahay iyo sidoo kale marka uu xiriirku wajahayo caqabado.
Haweeneyda ku jecel marnaba kaama yeeleyso inaad si fudud uga tagto, waxay si degan u dhageysataa cabashadaada iyo wixii ku dhibaya si ay kuu qanciso.
3. Waxay jeceshahay inay si dhow kuula socoto ama kuula soo xiriirto
Marka haweeneyda ay ku jeceshahay waxay rabtaa inay kulasoo xiriirto waqti kasta. Waa mid kamid ah qaababka ay rabto inaad u fahamto dareenkeeda iyo jacaylkeeda ay kuu qabto.
Intabadan way kusoo waceysaa waxayna sidoo kale kuusoo direysaa farriin qoraaleedyo. Waxay dooneysaa inay aad kuugu soo dhawaato waana sababta ay xiriirka badan kuula soo sameyneyso.
4. Waxay mar kasta la socotaa barahaaga bulshada
Haweenku waa kuwo qosol badan mar kasta oo uu jacayl galo. Waxay u muuqdaan inay bedelaan dhaqankooda isla markaana ay billaabaan inay sameeyaan waxyaabo ku qancinaya si ay u hantaan qalbigaaga.
Mar kasta oo ay kugu waalato ama jacayl xad dhaaf ah ay kuu qaado, waxay bilaawdaa inay la socoto barahaaga bulshada iyadoo ( Like) ama ka helid saarta sawiradaada iyo qoraaladaadii hore, waxayna taas u sameyneysaa inay hesho dareenkaaga.