Waxyaabaha Uu Ninku Sameeyo Kaliya Haddii Uu Si Dhab ah Kuu Jecelyahay

Tilmaamaha hoos ku qoran waxay ku tusayaan waxyaabaha rag badan ay sameeyaan marka ay si dhab ah u jecelyihiin haweeney.
Adiga ayaana isku ciyaaray haddii aad iska deysid nin leh qaar kamid ah tilmaamaha hoos ku xusan ee ay Shabakadda Aayaha, kuu soo gudbineyso.
Waa kuwaan qaar kamid ah waxyaabaha nin uu sameynayo, haddii uu si run ah kuu jecelyahay.
1. Dhageysi
Halkani waa Meesha kaliya ee ay raggu ku fashilmaan. Waxay ku dhageysanayaan oo kaliya marka ay doonayaan inay kaa helaan kulanka raaxada oo ay markaas daneynayaan iyadoo markii ay dantaas gaaraana uu dhageysiga Meesha k baxo.
Haddii uu ninka ku jecelyahay, wuuku dhageysanayaa, isagoo xittaa xasuusta wixii macluumaad ahaa ee aad u sheegtay ama la wadaagtay.
2. Talo qaadasho
Ragga qaar way ka meer meeri doonaan inay qaataan taladaada, gaar ahaan haddii aad ku caawiso macluumaad adigoo u sheegaya sababta uu u qaldanyahay oo kale.
Rag badan ayaa u carooda haweenka u sheega inay wax ku qaldanyihiin ama u sheega waxa ay tahay inuu sameeyo.
Haddii uu yahay nin u suga go’aanadiisa si uu u dhageysto fikirkaaga marka kasta oo aad siineyso talo, kadib taasi waa tilmaan muujineysa inuu si dhab ah kuu jecelyahay.
3. Daneysi
Iskuma dayo inuu kaa dan gaaro ama kugu raaxeysto guurka kahor, mana ahan dantiisa inuu kuu galmoodo oo uu kaa cararo galmada kadib laakiin ujeedada uu leeyahay ayaa taas ka weyn
Danta uu leeyahay ayaa ah mustaqbal sidaa darteed haddii aad ku aragto astaamo noocaan ah, si dhab ah ayuu ninka kuu jecelyahay.
4. Dhibaatooyinka oo wax badan muujiya
Haddii uu u adkeysto qaladaadka aad ka gasho isla markaana mararka qaar uu kuu tanaasulo si uu kuu dajiyo. Taasi waa tilmaan kale oo muujineysa inuu ku jecelyahay isla markaana kaa doonayo wax ka badan baashaal iyo dan gaarid.
Waxay tilmaantaan muujineysaa in ninka noocaan ah uu kaa rabo mustaqbal iyo waxyaabo wanaagsan.
5. Waqti qaadasho
Micnaha maahan inuu kula joogo 24-ka saac ama uu ku ag joogo waqti kasta laakiin haddii uu ku jecelyahay, waqti inuu kula qaato ayaa ah mid kamid ah waxyaabaha uu rajeyn doono mar waliba.