XIRIIRKA IYO GUURKA

Sida Shukaansi Loogu Bilaabo Gabar & Arrimo Kaa Caawinaya Inaad Soo Jiidato

Waxaa jiraan gabdho badan oo qurux badan oo magaalada jooga iyadoo dadka badankood ay ku adkaato inay la bilaabaan wadasheekeysi haween aysan garaneyn.

Si, kastaba, barashada xeeladooyin dhowr ah oo ku saabsan sida wadasheekeysi loo bilaabo, ayaa kaa bad baadin doonaan ceeb.

Xeekadahan ayaa sidoo kale kaa caawin kara inaad si sahlan ula kulanto jacaylkii noloshaada.

Hoos ka akhriso talooyin kaa caawinaya sida wadahadal loola bilaabo gabar qurux badan oo aad ka heshay.

1. Ammaan/Faanin

Bini aadamku waa kuwo jecel in la amaano ama la faaniyo sida, “ qof qurux badanaa tahay, waad shidantahay” iyo wixii lamid ah, iyadoo tani ay kaa caawineyso inaad wada sheekeysi la bilaawdo gabar.

Waxaad sidoo kale ammaan uga billaabi kartaa labiskeeda iyo Cadar ama Barafuun ay markaas soo marsatay.

Markii aad wax gabadha markaas ku ammaanto, haddii ay kuugu jawaabto ‘Mahadsanid’ taas kaliya ayaa ku siineysa waddo aad kusii waddo wadahadalka.

2. Ishak u haay (Xiriirka indhaha)

Waxaa jirta Oraah guud oo tiraahda; Indhahaaga ayaa ah kuwo ka tarjuma gudaha qalbigaaga siduu yahay, sidaa darteed haddii aad sii wadid xiriirka indhaha ama indhaha aad ku heysid, waxay bixinayaan tilmaamo ah inaad qofka daneyneysid.

Haddii iyadu aysan daneynin, markaas si fudud ayaad ugu sheegi kartaa.

3. Aad ha uga fekerin

Waqti badan haku bixinin ka fekeridda sida loo bilaabo wadasheekeysiga haddii kale jahwareer ayaa kugu dhacaya.

Jahwareerka ayaa laga arkayaa indhahaaga sidaa darteed waxaad weysay bartilmaameedkaaga.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid