Nin Naxariis Badan Oo Kursi Ay Ku Fadhiisato U Noqday Xaaskiisa Oo Uur Leh

Waxaa qalbiyada dadka ku nool dunida si aad ah usoo jiitay nin kursi iska dhigay si ay xaaskiisa oo xaamilo ahayd ugu fadhiisato.
Ninkaan oo u dhashay dalka Shiinaha, ayaa u dulqaadan waayay xaaskiisa oo uur lahayd xoogaa daqiiqado ahna taagnyd, isagoo foorarsaday kadibna dhabarkiisa ku fadhiisiyay xaaskiisa uurka leh xilli isbitaal ku sugeysay Dhaqtar.
Muuqaalkaan oo ay dadka la wadaageen Booliiska, ayaa waxaa ka helay malaayiin qof, xaaska ayaa la arkayay inuu dhibayay istaaga isla markaana calooshu ay aad u weynaatay waxayna ku sugneyd banaanka qolka la talinta.
Tiro dad ah ayaa la rki karaa inay ku sugnaayeen oo ay fadhiyeen qolka sugitaanka balse qofna ma aysan siinin kursigeeda haweeneydaan oo dareemeysay lugo xanuun.
Muddo kadib, ninkeeda ayaa foorarsaday oo u sheegay inay ku fadhiisato dhabarkiisa kadibna wuxuu siiyay caagad biyo si ay daalka iska baabi’iso.
Muuqaalka oo lasoo dhigay barta ciidanka booliiska Hegang, waxaana ka helay inkabadan 70 milyan oo ruux.