Haweenka Oo Raadiya Kana Hela Ragga Leh Siffooyinkaan Cajiibka Ah

Nin kasta waxa uu rabaa inuu noqdo mid soo jiita haweenka inkastoo rag badan ay aaminsanyihiin in heysashada xoogaa lacag ah ay ka dhigi karto kuwo soo jiita haweeney kasta laakiin taasi run maahan.
Heysashada lacag kaliya kaama dhigeyso mid soo jiita haweenka. Waxaa jiraan waxyaabo kale oo aad sidoo kale u baahantahay inaad yeelato
Hoos ka akhriso.
- Kalgacayl
Ninka kalgacaylka leh waa riyada haweeney kasta. Inaad ku jeclaato haweeney qofka ay tahay iyo sida uu Ilaahay (SWT) u abuuray ayaa ah kalgacayl.
Faanin, iyo inaad daryeesho oo aad koolkooliso sida inay tahay canug yar ayaa kaa dhigeysa nin kalgacayl leh oo aad usoo jiita iyada.
- Fikrad
Haweeneyda waxay rabtaa nin mar kasta ka fekera ama ay qalbigiisa ku jirto. Waxay rabtaa nin ka fekera oo la socda wixii kusoo kordha. Waxay rabtaa nin si joogto ah u waca.
Xittaa waxay rabtaa nin arko isla markaana ku amaano labiskeeda cusub.
- Nin rag ah
Haweenka aad ayay uga helaan ragga wax hogaamin kara. Ma jirto haweeney rabta nin ciyaal maamo ah, haweenka oo dhan waxay rabaan nin rag ah. Waxay rabtaa haweeneyda nin yaqaan waxa uu rabo .
Noqoshada nin hogaan ah oo adag micnaheedu maahan inaad ku gardarooto haweeneydaada ee waa noqoshada nin adag laakiin akhyaar ah kaasoo ah nooca ninka ay haweenku aad uga helaan.
- Xirfadle
Haweenka way ka helaan ragga xirfadda leh. Inaad noqoto qof ku wanaagsan wax ama sheey ayaa kaa dhigeysaa nin soo jiidasho leh.
Ragga leh xirfadda cunto karinta, xirfad ay ku ciyaaraan kataarka miyuusiga iyo wixii lamid ah ayaa ka dhigta kuwo ay aad uga helaan haweenka.
- Kalsooni
Haweeney walba waxay rabtaa nin isku kalsoon. Kalsoonida waa wax cajiib ah waxayna sidoo kale ninka ka dhigga mid qurxan caadiyan.
Isku kalsoonaanta maahan in lagu khaldo isla weyninka. Ma jirto haweeney rabta nin isla weyn sababtoo ah islaweynida waa jaahilnimo.
Ninka isku kalsoon waa kan haweeneyda galiya dareen kalsooni.
6. Kaftan
Ninka kaftanka badan waa mid ay ka helaan haweenka. Waliga mala yaabtay sababta ay haweenka u jecelyihiin shactirooleyaasha? Nin leh dareen fiican oo kaftan ah waa riyada dumarka badankood.