Way Adagtahay Inaad Iska Sii Deysid Nin Aad Jeceshahay, Laakiin Mararka Qaar Waa Wax Sax Ah Inaad Sameyso

Mararka qaar Way adagtahay inaad qaadato marka xiriirka ugu muhiimsanaa noloshaada uusoo gabagaboobo.
Runtii, iska sii deynta qof mar kuu ahaa wax kasta way adagtahay waana xanuun daran laakiin mararka qaar wadadaas ayaa ah tan kaliya ee aad naftaada uga bad baadin karto xanuun.
Aniguna waan ogahay dareenkaaga iyo xaaladda aad mareyso.
Aad ayaad u jecleyd isaga, waxaad gelisay qalbigaaga adigoona u huray qeyb kasta oo jirkaaga kamid ah.
Wuxuu ahaa sababta ka dambeysaa dhoollacadeyntaada iyo farxaddaada. Waxaad heysateen waqti wanaagsan laakiin waxaad sidoo kale soo martay dhibaatooyin badan iyo tijaabooyin.
Waxaad u dagaalantay si adag si aad u ilaaliso xiriirkiina laakiin arrinta faraha ayay baxday. Marar badan waxaad maqashay cod yar oo madaxaaga ka dhex yeeraya kun dhahaya: “Waxaad u baahantahay inaad iska sii deyso.” Waxay kula noqotay mid aad u xun.
Marnaba maadan ku fekerin inaad dhihi lahayd Macsalaamo. Waxaad aaminsaneyd in la iskugu kiin talagalay. Waxaad aaminsaneyd inaad nafta wadaagteen.
Maadan qaada Karin xaqiiqda ah in waxyaabo badan ay iska badaleen xiriirkiina. Ma aqbali kartid xaqiiqda ah in jacaylkii aad isku qabteen uu baaba’ay.
Ha isku dayin inaad ka fikirto sababaha wixii adiga iyo isaga idinka dhexeeyay uu usoo gabagabeeyay. Waxaa laga yaabaa in dabeecadihiina ay isyeelan waayeen markaan. Waxay noqon kartaa inaad bilaawday dagaal iyo dhibaatooyin. Waxaa laga yaabaa inaad ogaatay inaadan isku waddo ahayn ama waxaa laga yaabaa inaad xaqiiqsatay inaadan isku habbooneyn.
Laakiin, taasi waa siday wax u shaqeeyaan. Noloshu ma dhammeystirno. Jacaylkana sidoo kale. Xiriirka waxaa loogu talagalay inuu kaa farxiyo kaana dhigo shurcuur ahaan qof qanacsan. Haddii uu wali kugu rido, walwal, walbahaar, culeys iyo murugo, markaas waa waaqtigaad iska deyn lahayd.
Waa waqtigaad iska sii deyn lahayd qofka aadan wax wanaag ah ka helin. Qofka aanan qalbiga kugu heyn adiga. Qofka dareenkii uu kuu qabay yareeyay ama iska tuuray waqti dheer kahor.
Waan ogahay waa xanuun daran inaad iska sii deyso qof mar kuu ahaa wax kasta. Qofka aad u qabtay jacayl shuruud la aan ah. Laakiin mararka qaar waa waxa ugu wanaagsan ee aad isku sameyn karto.
Maya, kuma dhahaayo waa inaad niyad jabtaa adigoo aanan dagaalin. Waa inaad iska sii seysaa qofka kaliya markaad dadaaal walba ku bixiso inaad badbaadiso xiriirkiina. Kaliya markaadan waxba u reeban inay wax hagaagaan.
Intaas kadib, ma jirto sabab aad ugu dagaalanto qof aanan rabin ama aysan walwal ku heyn inuu ku waayo. Qof niyaddiisa kaa saaray waqti dheer kahor. Qof muddo dheer kaa tanaasulay dagaal la’aan.
Ma jirto sabab aad iskugu daydo uguna dadaasho inaad ku jirto xiriir kuu geysta dhibaato jir ahaan iyo shucuuur ahaan. Xiriir kaa dhiga qof liita, jahwareersan oo aanan waxba galin.
Iskuma dayi kartid inaad bedesho qof aanan ku rabin ama niyaddiisa mar hore kaa saaray. Ma bedeli kartid qof aanan rabin in la bedelo. Qofna isma jecleysiin kartid. Jacaylka lama qasbo oo xoog ma ahan.
Waa waajib ku saran inaad aqbashid xaqiiqda. Xaqiiqda ah inuusan kugu habbooneyn iyo inuusan ku rabin. Ma rajeyn kartid inay dhacdo mucjiso bad baadin doonta xiriirkiina.
Waxaad u baahantahay inaad ogaato waqtiga laga dhaqaaqo
Waxaad u baahantahay inaad ogaato inaad qof iska sii deyso aysan ahayn guuldarro. Waa xanuun weyn laakiin ma ahan guuldarro. Waana mid kamid ah cashirada ugu wanaagsan ee ay noloshu ku bari karto.
Waxay ku bartaa in jacaylku mar kasta uusan noqon sidaad u aragto iyo sidaad dareento inuu noqon lahaa. Waxay ku bartaa in mararka qaar jacaylku uusan raagin waaligiis.
Qofaad nolosha la wadaagto lagama helo albaabka dhinaciisa. Waala helaa kadib markaad wajahdo culeysyo badan.
Waxay ku bartaa in jacaylka dhabta ah uu ku waxyeeleyn karo adigoo aanan filaneyn.
Waana sababtaas in boorsooyinka aad kala qaadataan ay mararka qaar u tahay arrin wanaagsan. Waxaad weyn doontaa hal qof laakiin tani waxay kuu fureysaa waddooyin kale. Waddooyin kuu horseeda farxad iyo inaad nabad hesho.
Waddooyin kuu geyn doona nin ogaan doona quruxdaada gudaha iyo banaanka kuuna qalma oo og qiimahaaga. Nin jeclaan lahaa inuu dadaal kula galo. Nin ogaan doona sida laguu jeclaado, laguu ixtiraamo si aad ahna kuu qiimeeya sababtoo ah wax kayar kuwaan ma mudnid.
Nin ogaan doona inaad u qalanto dadaal walba.
Haddii aad ka heshay maqaalkaan, xoraad u tahay inaad la wadaagto qofka aad jeceshahay iyo asxaabtaada.