Sida Qalbiga Loogu Dajiyo Xaaskaaga Marka Ay Murugeysantahay

Marka gacalisadaada ay murugeysantahay, waxaa jiraan qaabab loogu qalbi qaboojiyo si dareenkeeda uu udego.
Waxay u baahantahay inay taageero shurcuureed ka dareento waxaad leedahay. Sidoo kale, waxay u baahantahay inay dareento xasilooni markaad taageero u muujiso.
Haddii aad si sax ah iskugu darto waxyaabahan, waxaa hubaal ah in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku dareemi doonto isbedel wanaagsan.
1. Weydii waxa qaldan
Dhib malahan waxa uu fikirkaagu yahay, adiga hakugu ekaado. U ogoloow gabadha inay soo bandhigto sheekada adigoo intaas kadib madax ruxaya kana hadlaya haddii ay lama huraan noqoto.
Haddii aysan rabin inay kuu sheegto, haku cadaadin inay kuu sheegto. Gabdhaha qaarkood ma jeclo inay ka hadlaan sababta ay u murugeysanyihiin, haddii ay sidaas tahay marka u sheeg inaad daneyneyso sheekada adigoo sidoo kale weydiinaya.
Sidee tahay?
Haye, miyuu dhib ku haayaa maalmahan?
Waxaad u muuqataa inaad murugeysantahay. Maxaa jira?”
2. Noqo mid taageera, haka hor imaanin
Dhib malahan haddii aadan ka yeelin arrimaha ay qabto. U xaqiiji inaad iyada u taagantahay. Meel gooni ah ulabax una sheeg inay sax tahay inay ooyso. U xaqiiji inaad dhinaceeda taagantahay.
Waxaadna ku dhahdaa:
“waan ogahay in arrintaani ay tahay mid dareen xun. Waanka xumahay.”
“ma qiyaasi karo sida uu dareenkaagu yahay. Waan ogahay in arrintani aysan ahayn mid sahlan.”
“Waanka xumahay inaad murugeysantahay. Fadlan ii ogloow inaan ogaado haddii aan wax sameyn karo si aan wax u hagaajiyo.”
3. Ogoow arrinta adigoo si kooban u muujinaya dareenkaaga
Inaad qof u muujiso inaad aragto isla markaana aad fahamsantahay dhibkooda ayaa wax weyn ah. Ka dhig mid gaaban oo sahlan, tusaale ahaan adigoo ku dhahaya:
“Waxaan aad uga xumahay inaan maqlo in hooyadaa ay jiran tahay.”
“Waan ogahay inaad runtii u qalantay dalacsiintaas. Waan ka xumahay inaysan shaqeynaynin ama dhicin.”
“Waxay ahayd saaxiib weyn oo wanaagsan, waan ka xumahay inay sidoo kale guureyso.”
4. Ka fogoow inaad talo siiso
Way murugeysantahay gabadha mana jiro xal sahlan. Sidaa darted ha isku dayin inaad talo siiso. Iyadoo ay taasi jirto waxaa ku dhahdaa:
“ Tani waa inay noqotaa mid kugu adag.”
“Waxaan jeclaan lahaa inaan helo jawaab ama xal. Ogoow hadda inaan halkaan adiga kuu joogo dhib malahan wax walba oo dhaca.”
“ Maxaad u maleyneysaa inay soo socdaan?”
Sidee rabtaa in wax looga qabto arrintaan?”
5. Niyad wanaagsan
Tani waa arrin aad muhiim u ah markaa taageero u muujineyso xaaskaaga. Si joogto ah u xasuusi inay wax waliba hagaagi doonaan.
Waxay kaa rabtaa talo marka hubi inaadan noqon qof niyad xun. Rajo wanaagsan u muuji, waxana hubaal ah inay si tartiib tartiib ah ku dageyso.
“Samir, waad ogtahay in dareenkaan xun uu dhammaan doono.”
“Aan xasuusano waqtiyadeenii wanaagsanaa. Xasuuso markii sidaas iyo sidaas…”
“Dhib ayaad dareemeysaa hadda waan ogahay. Laakiin garab Ayaan kuu ahaan doonaa illaa ay wax ka hagaagayaan.”